Skip to content
Saturday, October 17, 2026 5 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:32
Muqdisho 25°C
Breaking: Pope Speaks by Phone With Putin While Recovering in Hospital
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Tababare Steven Gerrard Oo Liverpool Cadaw Ku Noqon Kara & Kooxda Weyn

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Tababare Steven Gerrard Oo Liverpool Cadaw Ku Noqon Kara & Kooxda Weyn

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa noqon kara mid horyaalka Premier League kusoo laabta si uu ula xifaaltamo kooxdiisii hore iyadoo lala xidhiidhinayo Tottenham oo wali raadinaysa bedelka rasmiga ah ee Jose Mourinho.

Gerrard oo hadda ah tababaraha kooxda ree Scotland ee Rangers ayaa ah mid kamida macalimiinta uu liiska ku darsaday guddoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy.

Tottenham ayaan kooxdeeda ku haysan tababare rasmi ah tan iyo markii ay toddobaad kahor Final-kii Carabao Cup caydhisay Mourinho.

Dhinaca kale Gerrard ayaa ku hoggaamiyay Rangers horyaalkeedii ugu horreeyay mudo dheer kaddib isaga oo kahor istaagay Celtic inay ku guuleysato koobka markeedii 10-aad ee xidhiidh ah.

Sida uu dhigayo wargeyska The Telegraph, Gerrard ayaa ah mid kamida tababarayaasha bar-tilmaameedka u ah Daniel Levy.

Marka laga yimaado xigashada The Telegraph, waxa xusid mudan in Spurs ay hadda wadahadalo rasmi ah kula jiraan tababarihii ka tagay Wolverhampton Wanderers ee Nuno Espirito Santo.

Madaxa suuqa ee cusub ee Tottenham Fabio Paratici ayaa doonaya Nuno maadaama oo uu horeba u doonayay inuu Juventus keeno.

How do you rate this story?

0 votes