Skip to content
Tuesday, August 25, 2026 11 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:46
Muqdisho 25°C
Breaking: U.S. Judge Delays Lockerbie Bombing Trial Over New Evidence
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

RW Magacaaban oo maanta codka kalsoonida weydiisanaya golaha Shacabka BFS.

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
RW-Magacaaban-oo-maanta-codka-kalsoonida-weydiisanaya-golaha-Shacabka-BFS

Golaha Shacabka ayaa maanta fadhi ku leh xaruntooda sida KMG ah uu ugu shaqeeyo aqalka hoose ee Villa Hargeysa, waxaana Ajendaha uu yahay hadal jeedinta Madaxweyne Farmaajo iyo cod kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaannada ayaa loo diray fariinta ballaminta kulanka, waxaana lagu wargeliyay in maanta waqti hore kulanka oo ah 9-ka Subaxnimo in ay tagaan xarunta si waqti hore ay u dhageystaan khudbadda Madaxweynaha, Codsiinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo hadal jeedintiisa.

- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ku kulmay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xildhibaannada oo uu ula kulmay si gaar gaar ah, isaga oo weydiistay codka kalsoonida sida Axadle ay u xaqiijiyeen Mudanayaasha qaar.

“Waxa ugu weyn ee uu inoo soo bandhigay waa kalsooni dalbashada, waxa uu inoo sharaxay qorshe siyaasadeedka uu ku wajahayo marxaladda kala guurka ah ee bilaha kooban ah, garab istaag ayuu naga dalbaday si wadajir ah, waxa aan u ballanqaadnay in aan gacansiino” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay Xildhibaanno la hadlay.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya haddii uu codka kalsoonida uu ka helo Golaha Shacabka BFS waxaa horyaalla dhaqangelinta shuruucda waqtiga kala guurka, doorashada dalka, dhismaha Wasiiro kala gudbi xaaladda culus iyo qodobo kale.

Rooble waa Ra’iisul Wasaarihii labaatanaan ee Soomaaliya soo maray, sidoo kale waa Wasiirkii koowaad ee labaad muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee afarta sano ah.

Waa Kuma Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Maxamed Xuseen Rooble?

Axadle.