Wixii Uu Gareth Bale Ku Sameeyay Tababarkii Ugu Danbeeyay Ee
Gareth Bale ayaa u muuqda mid ku jira xaalad aad u sareysa isagoo isku diyaarinaya inuu kulankiisii ugu horeysay u ciyaaro kooxda Tottenham tan iyo markii uu ku soo laabtay.
Xiddiga reer Wales ayaa ku soo laabtay kooxda ka dhisan Waqooyiga London isagoo amaah uga soo tagay Real Madrid laakiin waxa uu kooxda yimid isagoo dhaawacan taasoo u diiday inuu ciyaaro ka hor kulamadii fasaxa kulamada heerka caalami.
Si kastaba, Bale ayaa ka shaqeynayay inuu taam buuxda helo isbuucyadii la soo dhaafay isagoo wacdarro ka dhigay tababarkii maanta oo isniin ah.
Xaqiiqdiina xiddigii hore ee Southampton ayaa soo bandhigay dhameystir aad u fiican sida laga arki karo muuqaal ay baraha bulshada soo dhigtay Tottenham.
Meanwhile, at Hotspur Way… ?#THFC ⚪️ #COYS pic.twitter.com/EXmtjoABal
— Tottenham Hotspur (@SpursOfficial) October 12, 2020
Jose Mourinho ayaa u muuqday mid ku faraxsan waxa uu ka arkayay Gareth Bale, iyadoo tababaraha Spurs uu hambalyeeynayay xididga reer Wales.
Bale ayaa kulankiisa ugu horeeya ee Tottenham u ciyaari kara kulanka West Ham ee 18ka bishaan October.
Tababaraha Tottenham Mourinho ayaan jawaab cad ka bixinin bishii la soo dhaafay taam ahaanshaha Gareth Bale.
“Ma garanayo marka uu Gareth soo laabanayo” ayuu yiri Mourinho. “Waxa kaliya ee aan ogahay ayaa ah in dhiironaantiisa ay sareyso, aad ayuu ugu faraxsan tahay inuu joogo koox qalbigiisa ku jirta.
“Marka ciyaaryahanka uu dhiirogashan yahay, waxaa inta badan dhacda inay soo yaraato waqtiga uu ku soo kabsanayo ama uu taam ku noqon karo.”
Waxaa la fahamsan tahay in Bale uu tababarka ku soo bandhigay inuu taam buuxda yahay iyadoo la filayo inuu ciyaaro kulanka Axada ee West Ham.