Skip to content
Tuesday, October 20, 2026 8 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:31
Muqdisho 26°C
Breaking: Drone attacks across Sudan kill 160 people as violence escalates
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Golaha Shacabka hortagaya 39-Cishe kadib!

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Madaxweyne-Farmaajo-oo-maanta-Golaha-Shacabka-hortagaya-39-Cishe-kadib

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka BFS, si uu ugu jeediyo khudbad gaar ah oo uu dalabkeeda u gudbiyay Guddoonka Aqalka shacabka.

Hortagista Golaha waxaa ka horeeyay kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha iyo Xildhibaannada Shacabka, waa gogol dhaca fadhiga maanta iyo hadal jeedinta madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha JFS ayaa dul istaagaya qodobo dhowr ah oo waxaa qayb ka ah heshiiska Siyaasadeed, taageerista Mudanayaasha marka loo gudbiyo, xaaladda doorashada iyo qodobo kale.

15-kii Agoosto, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa kahor ballanqaaday Xildhibaannada in uu dib ugu soo celin doono wadahadalka Siyaasadeed ee Shirkii Dhuusamareeb (3), maadaama uu la wadaagay xogta Shirkii Dhuusamareeb (2).

39-Cishe ayaa maanta laga jooga waqtigaas ballanqaadka Madaxweynaha, muddada intaas u dhaxeysa waxa uu ka qaybgalay shirar goos goos ah iyo kuwo xiriir ah oo xooggooda soo bilawday bilawgii Bishaan, kadib markii Caasimadda ay soo caga dhigeen Axmed Madoobe & Siciid Deni oo kahor yimid qodobadii Shirka Dhuusamareeb (3) oo qasab noqotay in dib loogu laabto.

Xildhibaanno la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Axadle u sheegay in uu ka codsanayo taageero siinta heshiiska 15-ka qodob ah, maadaama markii ugu waji dambeysay uu kahor sheegay in go’aankoodu uu yahay dhul kuma dhacaan.

Mudanayaasha qaar ayaa tilmaamtay in howsha uu la hortagayo Madaxweynaha Baarlamaanka ay u sahlanaaneyno, sabab la xiriirta kulamadii gaar gaar ahaa ee Madax Goboleedyada ay la yeesheen Xildhibaannada deegaan Doorashadoodu laga soo doorto, si cad ayay ugu dalbadeen in ay taageeraan.

“Go’aanka Golaha Shacabka waa lagu qasban yahay in la aqbalo waayo waa matalayaasha shacabka” Madaxweyne Farmaajo.

Axadle

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes