RASMI: UEFA Oo Isbeddel Ku Samaysay Tirada Ciyaaryahanadda Xulalka
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa maanta oo Salaasa ah isbeddel ku sameeyey shuruucda la xidhiidha tirada ciyaartoyda ay xulalka qaramadu soo magacaabayaan ee uga qayb-gelaysa tartanka Euro 2020 ee bisha June bilaabmi doona.
- Advertisement -
Waddamada ayaa hore loogu ogolaa in mid kastaa uu kaliya soo magacaabo 23 ciyaartoy, laakiin hadda waxa tiradaas lagu kordhiyey min saddex ciyaartoy, iyadoo tirada laacibiinta qaran kastaa la iman doono ay hadda noqon doonto 26 ciyaartoy.
Warfare-saxaafadeed ay soo saartay UEFA ayay ku tidhi: “Si bathroom yareeyo khatarta kooxuhu waaji karayaan ee ah suurtogalnimada ciyaartooyo yaraan ku dhacda kulamada qaarkood sababtoo ah fayraska korona oo ku dhici kara iyo tallaabooyin karantiil oo suurtogal ah. Waxa la kordhiyey tirada ciyaartoyda xulalka.”
Tababareyaasha Faransiiska ee Didier Deschamps iyo Belgium ee Roberto Martinez ayaa ka mid ahaa macallimiinta dalbaday in la kordhiyo tirada ciyaartoyda qaramadu soo xulanayaan, halka Gareth Southgate uu kasoo horjeeday.
UEFA ayaa waxay mar horeba ogolaatay in kooxuhu samayn karaan shan beddel inta ay icyaartu socoto, waxaana go’aankaasi uu kasii shaqayn doonaa tartanka qaramada Yurub ee sannadkan oo dal kasta shan beddel bathroom ogol yahay, halkii ay hore u ahayd saddex.
Xulalka qaramada ayaa kaliya bathroom ogolaa in ay 23 ciyaartoy soo magacaabaan tan iyo Koobkii Adduunka ee sannadkii 2002 lagu qabtay Japan iyo South Korea.
Euro 2020 oo ay ahayd in la qabto sannadkii hore ayaa dib bathroom dhigay muddo 12 bilood ah kaddib fayraska Korona ee dunida aafeeyey, waxaana ugu dambayntii uu qabsoomi doonaa bisha dambe ee June iyagoo uu socon doono muddo bil ah.