WOW: Xiddiga Aanad Sinaba Ku Rumaysan Karin Ee Lavatory Doortay Midka Ugu

Daafaca midig ee kooxda Manchester Metropolis ee Joao Cancelo ayaa ah xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21 sida lagu sheegay qiimayn cusub oo la sameeyay.

- Advertisement -

Daafaca Portuguese-ka ah ayaa muhiim u ah shaxda tababare Pep Guardiola xilli ay Metropolis doonayso ku guuleysiga saddexley koobab ah xilli ciyaareedkan oo kala ah Champions League, Premier League iyo Carabao Cup oo ay hanteen.

Joao Cancelo oo 60 Milyan oo pound ugu soo wareegay Metropolis ayaa kaga sarre maray qiimayntan saaxiibkiisa kooxda ee Kevin De Bruyne iyo Bruno Fernandes oo ah xiddiga ugu muhiimsan Man United.

Sida lagu sheegay il-wareedka Instat oo ah midka xogtan sameeyay, Joao Cancelo ayaa ka qiimayn sarreeya xilli ciyaareedkan dhammaan ciyaaryahanada kale ee PL.

Qiimaynta xiddigaha horyaalka ayuu Instat ka eegay dhinacyada kala ah awoodaha farsamo ee uu gaadhay ciyaaryahanku xilli ciyaareedkan iyo wakhtiga ay ciyaareen.

26 sano jirkaas ayaa si lamid ah sida uu waajibaadkiisa daafac uga qayb qaato sidoo kale muhiim ugu ah weerarka kooxdiisa, sixitaanka baasaska uu xilli ciyaareedkan dhiibay ayaa ah 81.8% halka uu cel-celis ahaan kulan kasta laba darbo laago.

Kooxda ku dhaw inay Premier League hanato ayaa ah mida qabsatay qiimayntan kaalmaheeda hore iyadoo Rodri, Kevin De Bruyne iyo Riyad Mahrez ay afarta kaalmood ee sarre dhammaystireen.

Jesse Lingard ayaa booska shanaad dhammaystiray, xiddigaha kale ee tobbanka sarre kasoo muuqday ayay kamid yihiin Ilkay Gundogan oo la filayo inuu abaalmarinta xiddiga sanadka u tartamo, Kurt Zouma, Jack Grealish, John Stones iyo Joel Matip ayaa kusoo baxay.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Harry Kane oo ah gool dhaliyaha ugu sarreeya iyo waliba gool caawiyaha ugu sarreeya horyaalku uu seegay tobbanka sarre halka Bruno Fernandes uu kaalinta 15-aad soo galay.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More