Skip to content
Tuesday, September 15, 2026 2 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 24°C
Breaking: Banaadir Districts Football Tournament to Begin November 15 in Mogadishu
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Lionel Messi Oo Gurigiisa Ku Shiriyey Ciyaaryahanadda Barcelona – Muxuu U

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Laacib

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa gurigiisa iskugu yeedhay dhamaan ciyaartoyda Barcelona Isniintii maanta, waxaana uu u sameeyey qado, xilli ay isku diyaarinayaan kulanka muhiimka ah ee ay toddobaadka dambe la ciyaari doonaan Atletico Madrid.

Barcelona oo xalay guul 2-3 ah kasoo gashay Valencia oo ay ugu tagtay Estadio de Mestalla ayaa waxa ay isla maanta bilaabeen u diyaar-garowga kulanka adag ee Atletico Madrid ay ku qaabbili doonaan Camp Nou.

Guusha ay soo heleen xalay, waxay Barcelona kusoo celisay in ay saddex dhibcood ka dambeeyaan Atletico laakiin usbuucii hore ayay iska lumiyeen guul ay hoggaanka horyaalka kula wareegi lahaayeen kaddib guul-darro xanuun badnayd oo ay Granada ugu xambaarisay Camp Nou.

Ciyaaryahanadda Barcelona ayaa dhamaantood maanta iskugu tegay guriga Messi, iyadoo laacibka reer Argentina uu casuumad u sameeyey, taas oo aan la sheegin in tababareyaashu ay joogeen.

Bilowgii xilli ciyaareedka oo Barcelona uu waqti adag soo maray, ciyaartoyda kooxda ayaa bilihii ugu dambeeyey uu xidhiidhkoodu aad u sarreeyey, waxaanay taasi keentay in guulo xidhiidh ahaa ay gaadhaan, kuna soo dhowaadaan Atletico oo xilliyada qaarkodo in ka badan 10 dhibcood ka horreysay.

Lionel Messi oo mustaqbalkiisa uu mugdi ku jiro, walina aan ogolaanin in uu saxeexo heshiis cusub oo uu kula sii joogo Barcelona, laakiin waxa bathroom badinayaa in maalmihii ugu dambeeyey ay xaaladdu iska degtay oo uu laacibkani u sheegay kooxdiisa in uu sii joogayo.

Kulankan ayaa la sheegay in Lionel Messi uu ciyaartoyda kula dardaarmay in ay kalsooni muujiyaan afarta ciyarood ee horyaalka ah ee  u hadhay, isla markaana ay Atletico ka badiyaan, iyagoo sidoo kalena rajaynaya in ay Actual Madrid kufto.

How do you rate this story?

0 votes