Skip to content
Sunday, November 1, 2026 20 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 25°C
Breaking: EU Naval Mission oo baaraya wararka sheegaya in markab laga leeyahay Iran lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Mesut Ozil Iyo Xiddig Kale Oo Halis Ugu Jira In Gabi Ahaanba

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Capture-18

Mesut Ozil ayaa ah xiddiga ugu weyn Arsenal ee halis ugu jira inuu waayo booskiisa iyadoo tababare Mikel Arteta uu ku qasban yahay inuu labo xiddig ka reebo kooxda koowaad ka dib saxiixyadii ay sameeyeen xagaagan.

Inkastoo Arsenal ay maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga ay la soo wareegtay Thomas Partey hadana waxay ku guuldareysteen inay iska iibiyaan ciyaartoy dhowr ah oo weli baaqi ku ah kooxda.

Taas ayaana haatan dhibaato u abuurtay Arsenal iyagoo haatan heysta 19 ciyaaryahan oo aan u dhalanin UK ama ku korin UK, tirada laga rabo Premier League waa 17 ciyaaryahan.

Arteta ayaa sidaasi darteed ku qasban inuu labo xiddig ka reebo kooxdiisa Premier League, iyadoo xantii soo baxeysay markii hore ay aheyd in laga raabayo liiska ciyaartoyda Premier League ee Arsenal saxiixyada cusub Pablo Mari iyo Cedric Soares.

Si kastaba, Goal.com ayaa sheegeysa in go’aanka uusan weli kama danbeys aheyn iyadoo Ozil uu haatan ka mid yahay xiddigaha la filayo in laga reebo liiska kooxda inkastoo uu yahay xiddiga ugu mushaharka badan kooxda isagoo qaata 350 kun ginni isbuucii.

Xiddiga Jarmalka ayaan u dheelin Arsenal tan iyo markii kubada cagta dib loo bilaabay bishii Juun, xitaa ma uusan soo xaadirin garoonka Wembley kulankii ay ku guuleysteen FA Cup ee ay ka badiyeen Chelsea, inkastoo Arteta uu mar walba sheegayay in Ozil uu dib ugu guuleysan doono booskiisa kooxda.

Arsenal ayaa ku qasban inay gudbiso liiskeeda ciyaartoyda uga qeyb galaya Europa League taasoo tusaale fiican ka bixin doonta xiddigaha seegaya Premier League, iyadoo kooxaha Premier League la siiyay inay liiskooda horyaalka ku soo gudbiyaan 20ka bisha October.

Waxaa weli furan suuqa maxaliga ee Ingariiska laakiin lama filayo in xiddigaha aan looga baahneyn Arsenal ay ogolaan doonaan inay u wareegaan kooxaha heerka labaad.

Daafac dhexe ayaa iyadana hubaal ah in laga reebi doono liiska Premier League ee Arsenal madaama Arteta uu heysto sideed daafac dhexe.

Mari, Calum Chambers iyo Skhodran Mustafi ayaa dhamaantood dhaawac ku seegay kulamadii furitaanka xilli ciyaareedka, waxaana laga yaabaa in midkood uu soo labeeyo Ozil labada xiddig ee laga saarayo kooxda Arsenal.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes