Go’aanka Madaxweyne Donald Trump uu ku adkaystay in Jensen Huang dib loogu celiyo kursiga ugu sarreeya ee shirkadda Nvidia ayaa dhaliyey hadal-hayn ballaaran iyo su’aalo culus oo ku saabsan amniga qaranka Maraykanka. Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay walaac la xiriira heerka uu gaarsiisan yahay faragelinta maamulkiisu ku samayn karo hannaanka hoggaamineed ee shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Trump ayaa ku dooday in xaaladda degdegga ah ee hoos-u-dhaca suuqyada saamiyadu ay ku qasabtay inuu tallaabadan qaado. Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey inuu si toos ah ula xiriiray guddiga maamulka ee Nvidia, isagoo ku qanciyey inay Huang dib ugu celiyaan xilkiisii madaxa fulinta. Guddiga ayaa Isniintii si rasmi ah u shaaciyey soo noqoshada Huang, 11 maalmood oo keliya ka dib markii uu banneeyey xafiiska, xilli ay socdeen baaritaanno ku saabsan xiriir la sheegay inuu la yeeshay haweeney ganacsato ah oo looga shakisan yahay inay sirdoonka Shiinaha la shaqaynaysay.
Isagoo difaacaya go’aankiisa, Trump wuxuu caddeeyay in tallaabadani ay dan u ahayd qaranka Maraykanka. Wareysi uu siiyey telefishinka CNBC ayuu ku sheegay in markii uu arkay suuqyada oo hoos u sii dhacaya, uu garwaaqsaday in Nvidia ay geli karto xasarad waqti dheer qaadata haddii uusan arrinta soo dhexgelin.
Soo laabashada Huang ayaa durbadiiba dib u soo noolaysay qiimihii suuqyada maaliyadda. Hase yeeshee, arrintaas ayaa dhalisay dood ku saabsan haddii maamulku uu ka doorbiday xasilloonida maalgashadayaasha iyo suuqa baaritaannada socda ee la xiriira khataraha amni iyo suuq-geynta qalabka elektaroonigga ah ee chips-ka loo yaqaan.
Nvidia waxay safka hore kaga jirtaa shirkadaha Maraykanka ee farsameeya chips-ka muhiimka u ah sirdoonka macmalka ah (AI). Sababtaas awgeed, doodaha ku saabsan cidda gacanta ku dhigi karta tignoolajiyadaas iyo cabsida laga qabo inay u gacan gasho dowladda Shiinaha ayaa ah arrimo culeys weyn ku leh xisaabaadka istiraatiijiyadeed ee ka baxsan ganacsiga caadiga ah.
Faragelinta tooska ah ee Trump ayaa abuurtay dareen diidmo ah oo ka dhex dhashay siyaasiyiinta Washington, maalgashadayaasha Wall Street iyo madaxda Silicon Valley. Xildhibaanno ka tirsan labada xisbi ayaa ku baaqay in la baaro qaabkii go’aankan loo gaaray iyo xogtii dhexmartay Aqalka Cad, Huang iyo guddiga shirkadda. Senator Jack Reed ayaa ku adkaystay in Congress-ku uu dib u eegis ku sameeyo xiriirradaas, isagoo sheegay in ilaalinta amniga qaranka iyo tignoolajiyada dalku ay tahay inay wax walba ka horreeyaan. Waxaa sidoo kale la filayaa in Huang uu hortago Guddiga Bangiga ee Senate-ka 3-da Diseembar.
Dhaleecaynta tallaabadan ayaan ku koobnayn xisbiga mucaaradka ah, balse xubno ka mid ah Jamhuuriyiinta ayaa saluugay in Huang shaqada lagu celiyo iyadoo aan weli la helin jawaabo lagu qanci karo. Afhayeenkii hore ee Aqalka Wakiillada, Newt Gingrich, oo si weyn u taageera Trump, ayaa su’aal geliyey sida qof ay ku hareeraysan yihiin eedeymo la xiriira basaas Shiinays ah iyo chips casri ah oo gaaray dalkaas, loogu aamini karo mar kale hoggaanka shirkad muhiimad noocaas ah u leh dalka.
Trump wuxuu si adag u difaacay mowqifkiisa, isagoo bartiisa bulshada ku baahiyey sawir u eg mid lagu sameeyey sirdoonka macmalka ah. Sawirkaas ayaa muujinayey Huang oo wejiga dhiig kaga yaallo, gacantana ku haya rajabeeto cas, iyadoo gadaashiisana uu ka babanayo calanka Nvidia. Sawirkan ayaa si toos ah u shabbahay muuqaalkii Trump laga qaaday markii uu ka badbaaday isku daygii dil ee dhacay isu-soo-bax siyaasadeed sannadkii 2024, iyadoo wejigii Trump lagu beddelay kan Huang.
Tallaabadaas ayaa loo arkay kaftan aan meesha ku habboonayn oo lagu dhayalsanayo eedeymo culus oo la xiriira basaasnimo iyo danaha amniga qaranka. Waxay sidoo kale dib u furtay doodda ku saabsan hab-dhaqanka Trump ee xafiiska iyo sida uu u oggolaado in aragtidiisa gaarka ahi ay saameyn toos ah ku yeelato go’aamada dowladda iyo shirkadaha ganacsiga ee madaxa-bannaan.
Mar wax laga weydiiyey haweeneyda la xiriirta Huang, Trump wuxuu gaashaanka u daruuray in haweeneydaasi ay basaas tahay, isagoo ku dooday in dadku ay si fudud basaas ugu tilmaamaan mar kasta oo ay arkaan qof dumar ah oo Shiinays ah oo qurux badan. Hase yeeshee, khubarada ayaa ku doodaya in waxa miiska saaran aysan ahayn oo keliya waxa uu Trump rumeysan yahay, balse ay tahay xaqiiqada ka dhalata xogta sirdoonka iyo baaritaannada socda.
Maalmo ka hor dhacdadan, Trump wuxuu xusay in Shiinaha iyo Maraykanku ay si caadi ah isku basaasaan. Hadalkaas ayaa dib u soo xusuusiyey jawaab uu bixiyey xilligii madaxweynenimadiisii hore markii wax laga weydiiyey ixtiraamka uu u hayo Madaxweyne Vladimir Putin oo loo haystay dilal siyaasadeed, isagoo markaas ku jawaabay: “Dalkeenna ma waxaad u malaynaysaa inuu gebi ahaanba waxba galabsan?”
Ugu dambeyntii, muranka ka dhashay xilka Jensen Huang ayaa aad uga ballaaran hoggaanka Nvidia oo keliya. Waxa uu si toos ah u taabanayaa xadka ay gaarsiisan tahay awoodda madaxweynaha ee ku aaddan suuqa xorta ah, kalsoonida lagu qabi karo hay’adaha sirdoonka, iyo sida loo miisaami karo baahiyaha dhaqaalaha iyo badbaadada danaha qaranka.
AXADLETM