Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Paul Scholes Oo Shaaciyay Xiddig Man United Ah Oo Ku

Paul Scholes ayaa sheegay in Anthony Martial inuu ku dhawaaday inuu ku qiyaameeyo taageerayaasha Manchester United inay u qaataan inuu yahay gooldhaliye.Halyeeyga kooxda Man United ayaa sheegay in booska uu ka ciyaari karo weeraryahanka Faransiiska inay weli dhibaato ku tahay Red Devils.Scholes oo 45 sanno jir ah ayaa si weyn u amaanay weeraryahanka da’da yar ee Man United ee ka kooban Mason Greenwood, Martial iyo Marcus Rashford.Laakiin waxaa ka dhaadhacsan in Martial uusan aheyn gooldhaliye sax ah islamarkaana uu ku fiican…

Chelsea Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Haddii Uu N’Golo

Chelsea ayaa beenisay wararka sheegaya in N’Golo Kante uu doonayo inuu isaga tago kooxda bisha Janaayo ka dib markii ay isku dhaceen tababare Frank Lampard.Wargeyska Faransiiska ee Le Parisien ayaa qoraya in xiddiga khadka dhexe uu aad u careysan yahay ka dib markii uu Lampard ka diiday inuu seego tababarka si uu uga qeyb galo arooska saaxiibkiis ka hor intii aan la aadin kulamada heerka caalami.Wargeyska ayaa sidoo kale sheegaya in Kante uu ku riyoonayo inuu u wareego Real Madrid iyadoo wakiiladiisa ay ka shaqeynayaan sidii…

Barcelona Oo U Dhaqaaqaysa Paul Pogba Oo Qirtay Jacaylkiisa

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa la sheegayaa inay suurogal tahay inay saxeexa kubad sameeyaha Manchester United ee Paul Pogba u dhaqaaqi karto xilli uu dhawaan uun Pogba qudhiisu qirtay inuu doonayo ka ciyaarista Real Madrid oo ay xifaaltamaan.Xiddigan kusoo guuleystay koobka aduunka ayaa dhawaan riyadiisa ku tilmaamay inuu ku biiro Real Madrid mana aha markii ugu horreysay ee uu sidaas sameeyo.Laakiin sida uu hadda sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, Barcelona qudheeda ayaa doonaysa saxeexa Pogba haddiiba uu heshiiskiisa…

20-ka Xiddig Ee Ugu Mushaharka Badan Premier League, Tirada

Waxa jira dhawr saxeex oo cajiib ah oo ay kooxaha Premier League sameeyeen maalmihii ugu dambeeyay ee suuqii dhawaan xidhmay, Tottenham ayaa dunida ka yaabsatay kaddib markii ay dhammaystirtay saxeexa Gareth Bale oo ay dib amaah ugaga soo qaadatay Real Madrid.Tottenham ayaa £220,000 kamida mushaharka Bale bixinaysa halka ay inta kale oo dhan dabarayso kooxda uu amaahda kaga soo maqan yahay ee Real Madrid.Waxa jira laba saxeex oo kale oo waaweyn oo la sameeyay maalintii ugu dambaysay suuqa waxaana kamid ah Edinson Cavani oo…

Laba Kamida Xiddigaha England Oo Laga Fasaxay Xulka & Mid

Xulka qaranka England ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in xulka laga fasaxay labada xiddig ee kala ah Benjamin Chilwell oo koox ahaan Chelsea ka tirsan iyo Kieran Trippier oo qayb ka ah kooxda ree Spain ee Atletico Madrid.Sida lagu shaaciyay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday England, Trippier ayaa loo fasaxay sababo la xidhiidha arrimo shaqsi ahaaneed taas oo aan la shaacin balse lagu koobay inay tahay mid isaga khaas u ah.Dhinaca kale Chilwell oo sidoo kale seegay guushii soo laabashada ahayd ee England uu ka gaadhay dhigiisa…

N’Golo Kante Oo Chelsea Iskaga Tagaya, Sababta Qariibka Ah

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa isha ku haya inuu gabi ahaanba iskaga tago kooxdaas xilli ay jiraan warar sheegaya inay isku dhaceen tababarahiisa Frank Lampard isaga oo waliba sii tilmaansaday kooxda uu doonayo.Kante ayaa kamida xiddigaha khadka dhexe ee dunida kubadda cagta kuwooda ugu wanaagsan waxaana uu haatan kula maqan yahay kulamada caalamiga ah dalkiisa France kahor kulanka adag ee ay Croatia la yeelan doonaan.Wargeyska ree France ee Le Parisien ayaa hadda shaaca ka qaaday sheeko lama filaan ah…

Liverpool & Manchester United Oo Ku Dagaallamaya Qorshaha

Liverpool iyo Manchester United ayay ka go’an tahay in la hirgeliyo qorshaha isbeddelka iyo dibu-qaabaynta loogu samaynayo horyaalka Premier League, kaas oo ay kasoo horjeedaan kooxaha yaryar, dawladda UK iyo maamulka Premier League oo u arkaya in duullaan lagu soo qaaday.Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa cambaareeyey qorshaha Project Big Picture ee ay soo diyaariyeen, dabadana ka riixayaan kooxaha Manchester United iyo Liverpool, kaas oo xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA uu ku tilmaamay inay saamigooda…

“Waxaan Noqon Karayaa Neymar-ka Cusub, Laakiin Ma Doonayo

Rodrygo Goes waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan ee usoo baxaysa Real Madrid, waxaanu mar horeba muujiyey awooddiisa iyo hibadiisa ciyaareed oo gaadhsiisay heer uu u ciyaaro Real Madrid, sidoo kalena looga yeedho xulka qaranka Brazil oo uu Neymar garabkiisa istaago.Kaddib markii ay Real Madrid xili ciyaareedkiisii ugu horreysay ee uu soo galay Yurub ay geystay kooxdeeda da’yarta ee Real Madrid Castilla, waqti badan kumay qaadan in markiiba uu Zidane kasoo dallacsiiyo oo uu kooxda koowaad kusoo daro, waxaana uu ku…

Arsene Wenger Oo Saadaaliyey Xilliga Ay Arsenal Ku Guuleysan

Arsene Wenger ayaa saadaaliyey xilliga ay kooxdiisii hore ee Arsenal ku guuleysan karto horyaalka Premier League ee ay ugu dambaysay sannadkii 2003 oo uu isagu u qaaday, waxaanu qiray in hadda ay si layaab leh isku beddeshay kooxdu oo maalgelin cajiib ahna lagu sameeyey sannadihii ugu dambeeyey.Arsenal ayaa xili ciyaareedka ku bilaabatay qaab wanaagsan, waxaanay sagaal dhibcood ka urursatay 12 suurtogal ahaa, iyadoo kaalinta afraadna kaga jirta shaxda kala-horreyna kooxaha ee waqtigan, isla markaana saddex dhibcood oo kaliya…

Wixii Uu Gareth Bale Ku Sameeyay Tababarkii Ugu Danbeeyay Ee

Gareth Bale ayaa u muuqda mid ku jira xaalad aad u sareysa isagoo isku diyaarinaya inuu kulankiisii ugu horeysay u ciyaaro kooxda Tottenham tan iyo markii uu ku soo laabtay.Xiddiga reer Wales ayaa ku soo laabtay kooxda ka dhisan Waqooyiga London isagoo amaah uga soo tagay Real Madrid laakiin waxa uu kooxda yimid isagoo dhaawacan taasoo u diiday inuu ciyaaro ka hor kulamadii fasaxa kulamada heerka caalami.Si kastaba, Bale ayaa ka shaqeynayay inuu taam buuxda helo isbuucyadii la soo dhaafay isagoo wacdarro ka dhigay tababarkii…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More