Chelsea Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Haddii Uu N’Golo

Chelsea ayaa beenisay wararka sheegaya in N’Golo Kante uu doonayo inuu isaga tago kooxda bisha Janaayo ka dib markii ay isku dhaceen tababare Frank Lampard.

- Advertisement -

Wargeyska Faransiiska ee Le Parisien ayaa qoraya in xiddiga khadka dhexe uu aad u careysan yahay ka dib markii uu Lampard ka diiday inuu seego tababarka si uu uga qeyb galo arooska saaxiibkiis ka hor intii aan la aadin kulamada heerka caalami.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegaya in Kante uu ku riyoonayo inuu u wareego Real Madrid iyadoo wakiiladiisa ay ka shaqeynayaan sidii uu uga tagi lahaa Chelsea sannadka soo socda.

Sidaasi oo ay tahay afhayeen u hadlay Chelsea ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail in warkaan uu yahay been abuur aan waxba ka jirin.

Wararka xanta ah ee la xiriira inay Kante isku dhaceen tababare Lampard ayaa lama filaan weyn ah marka loo eego in labada nin uu xiriir fiican ka dhaxeeyay dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Bishii May ayay aheyd markii uu tababaraha Chelsea u ogolaaday Kante inuu seego tababarka ilaa iyo intii uu doonayo madaama uu xiddiga khadka dhexe ka cabsi qabay Korona Fayras.

Xiddiga Faransiiska ayaa sidoo kale helay taageerada ciyaartoyda Chelsea isagoo durbadiiba ku soo laabtay tababarka islamarkaana xilli ciyaareedka la dhameystay kooxda Chelsea.

Qandaraaska Kante waxaa weli ka harsan seddex sannadood laakiin waxaa inta badan sannadkaan oo dhan lala xiriirinayay inuu ka tagayo Stamford Bridge.

Madrid ayaa markii ugu horeysay damacday ciyaaryahankaan oo 29 sanno jir ah bishii April laakiin waa ay awoodi waayeen inay u dhaqaaqaan saxiixiisa madaama Korona Fayras uu dhaqaale xumo ku abuuray kooxaha kubada cagta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More