Browsing Tag

waqooyi

Suldaanka Guud ee Gobaladda Waqooyi oo sheegay in uu ka badbaaday iskuday dil

Jimco,  Juun, 21, 2024 (AX) - Suldaanka Guud ee Gobaladda Waqooyi Suldaan Da'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay in uu shalay ka badbaaday dil kadib markii uu askari xabad ku riday.Suldaanka ayaa waraysi uu MMTV siiyay ku  sheegay in la damcay in la dilo, oo ay askartu xabad u adeegsadeen kadib mudaharaad lagaga soo horjeeday xadhiga Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani oo uu qayb ka ahaa."Maanta dalka waxa la doonayay in fawdo, mudaharaad, buuq iyo dil ay ka dhacdo, nin Ciidagale ah ayaa nin…

Suldaanka Guud ee Gobaladda Waqooyi oo dagaal ku hanjabay

 Khamiis,  Juun, 20, 2024 (AX) - Dhallinyaro ka gadoodsan xadhiga Cismaan Cumar Dool oo xukuumada Gobaladda Waqooyi ka dhaliila baraha bulshada, ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Hargaysa.Suldaanka Guud ee Gobaladda Waqooyi Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo dhallinyarada la hadlay ayaa ku baaqay in Dool si dhakhso ah loo sii daayo "24 saacadood gudahood hadii ninkaa lagu sii dayn waayo, shaqo kuma lihi wixii ka dhaca".Suldaanku dhanka kale dhallinyarada gadoodsan ayuu u qalbi qaboojiyay isaga oo…

Waqooyi Bari oo sheegtay in aysan jirin khatar xilligan kagasoo wajahan kooxda Daacish

 Khamiis, Juun, 20, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa meesha ka saaray khatarta ku saabsan in deeganadeeda ay kusii badanayaan kororka joogitaanka kooxda Daacish.Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Waqooyi Bari oo la hadlay warbaahinta AX ayaa u sheegay, in aysan jirin khatar amni oo xilligan Waqooyi Bari kagasoo wajahan Daacish, inkastoo ay sheegeen in Daacish ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah gobolka Bari.Saraakiishan ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan warka ku saabsan in hoggaamiyaha ugu sarreeya Daacish…

Waqooyi Bari oo gacanta ku dhigtay taliyihii burcad badeeddii madax furashada ka qaatay markabkii MV Abdalla

Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Askarta booliska Waqooyi Bari ee Gobolka Mudug oo magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda, ayaa gacanta Kusoo dhigay taliyihii hogaaminayay kooxdii burcad badeedda ee $5 Milan ee madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV Abdalla.Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee ee waqooyiga magalada Galkacyo, ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre Jowfe oo 38 jir, kaasoo ahaa taliyihii markabka MV Abddalla.Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug…

Waqooyi Bari oo xukunno ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ku eedeysan inay sii daayeen Shabaab iyo Burcad badeed

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Waqooyi Bari ayaa xukunno kala duwan ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal katirsanaa maxkamaddaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii daayeen maxaabiis u xirnaa inay katirsan yihiin burcad badeed iyo Shabaab.Maxkamadda ayaa garsoorayaashan iyo xeer ilaaliyaashan ku xukuntay midkiiba xukun u dhaxeeya 2 illaa shan sano oo xarig ciidan ah.Waxaa lagu eedeeyay inay laaluush ku qaateen sii daynta maxaabiis ah isugu jiray Shabaab iyo Burcad…

Gobaladda Waqooyi oo baaq kasoo saartay dhallinyarada ku eedaysan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi ayaa hay'addaha xuquuqal insaanka iyo safaaradaha uu fadhigoodu yahay Muqdisho ugu baaqday in ay ka wardoonaan dhallinyarada Muqdisho ugu xidhan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable.Wasiirka Warfaafinta Gobaladda Waqooyi Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan' ayaa sheegay in jindil xabsiga loogu gaystay dhallinyarada u xidhay dilka Cabdinaasir Dahable."Dhallinyaradii Xamar inagaga xidhxidhnayd ee dowlada Xamar ay mu'aamaradaysay ee nin kii dhallinyarada ahaa ee la dilay lagu…

Waqooyi Bari oo xirtay mid kamid ah burcad badeeddii weerartay markabka MV Abdullah

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Maxamed Suufi rasaas oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeeddii weerartay Markabkii MV Abdalla, kana mid ahaa ragii lacagta madax furashada ka qaatay markabkaas, ayay ciidanka booliiska Waqooyi Bari gacanta ku dhigeen.Askarta booliiska oo sheegay inay la socdeen xogta Maxamed Suufi Rasaas, ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Garawe halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey maalmihii lasoo dhaafay.Booliiska waxay sheegeen inuu kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room, isaga oo markii…

Itoobiya oo sheegtay in ay Gobaladda Waqooyi aqoonsanayso

 Axad, Juun, 16, 2024 (AX) - Wasiiru-duulaha Hawlaha Guud ee Itoobiya Tarekegn Bulbulta ayaa sheegay in Itoobiya ay aqoonsandoonto Gobaladda Waqooyi.Bulbulta waxa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in Itoobiya ay Gobaladda Waqooyi aqoonsan doonto "Waxaan kalsooni ku qabaa in Itoobiya ay noqonayso waddanka ugu horeeya ee Gobaladda Waqooyi u aqoonsada waddan madaxbannaan" ayuu ku sheegay bartiisa X.Bulbulta waxa uu sheegay in kadib marka la gaadho heshiis rasmi ah ay Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya noqon doonaan xulufo…

Waqooyi Bari oo ku amartay dadka Itoobiyaanka ah ee Garowe ku sugan inay si degdeg uga baxaan

 Axad, Juun, 16, 2024 (AX) - Duqa degmada Garowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garowe inay si degdeg ah uga baxaan, haddii kale in tallaabo laga qaadayo.Geeddi wuxuu sheegay, in la joogo waqtigii magaalada Garowe laga saari lahaa Itoobiyaanka sharci darrada ku jooga, isagoo ku hanjabay ciddii aan amarka qaadan in iyagoo xirxiran la saaridoono.“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka Itoobiyaanka ah ee magaalada ku jooga sharci darrada. In badan waxaan ku dadaalnay in…

Prof: Samatar: Aqoonsi Gobaladda Waqooyi usoo socdaa ma jiro

 Axad, Juun, 16, 2024 (AX) - Guddoomiyaha Ururka Hillaac Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi anay dadaalkii loo baahnaa galin aqoonsi raadinta.Samatar oo hadal u jeediyay ardayda Jaamacada New Generation ee Hargaysa, ayaa sheegay in anay jirin doodo cilmiyaysan oo qoran si adduunka loogu qanciyo waxa ay Gobaladda Waqooyi tahay."Aqoonsi Gobaladda Waqooyi usoo socdaa ma jiro, sabab? Waayo maynaan kasban dee, hawsheedii maynaan galin, waa ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More