Waqooyi Bari oo sheegtay in aysan jirin khatar xilligan kagasoo wajahan kooxda Daacish

 
Khamiis, Juun, 20, 2024 (AX) – Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa meesha ka saaray khatarta ku saabsan in deeganadeeda ay kusii badanayaan kororka joogitaanka kooxda Daacish.
Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Waqooyi Bari oo la hadlay warbaahinta AX ayaa u sheegay, in aysan jirin khatar amni oo xilligan Waqooyi Bari kagasoo wajahan Daacish, inkastoo ay sheegeen in Daacish ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah gobolka Bari.
Saraakiishan ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan warka ku saabsan in hoggaamiyaha ugu sarreeya Daacish uu ku sugan yahay gobolka Bari ee Waqooyi Bari, sida lagasoo xigtay saraakiil Maraykan ah.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daacish uu gabbaad usoo raad saday gudaha Waqooyi Bari, si uu uga baxsado bartilmaameedka dowladda Maraykanka.
Hadalka saraakiisha amniga Waqooyi Bari ayaa imaanaya, iyadoo qaar kamid ah ganacsiyada magaalada Boosaaso ay u xiran yihiin amar kasoo baxay kooxda Daacish, kuwaas oo ka doonaya inay bixiyaan lacago ay ugu yeereen canshuur ama Sako.
Daacish ayaa horey u gubtay xarumo ganacsi oo kuyaala magaalada Bosaso. Maamulka Waqooyi Bari weli kuma guulaysan inuu wax ka qabto arrimahan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More