Waqooyi Bari oo xukunno ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ku eedeysan inay sii daayeen Shabaab iyo Burcad badeed

 
Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Waqooyi Bari ayaa xukunno kala duwan ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal katirsanaa maxkamaddaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii daayeen maxaabiis u xirnaa inay katirsan yihiin burcad badeed iyo Shabaab.
Maxkamadda ayaa garsoorayaashan iyo xeer ilaaliyaashan ku xukuntay midkiiba xukun u dhaxeeya 2 illaa shan sano oo xarig ciidan ah.
Waxaa lagu eedeeyay inay laaluush ku qaateen sii daynta maxaabiis ah isugu jiray Shabaab iyo Burcad badeed.
Goobta uu xukunku ka dhacayay, ma joogin wax qareen ah oo u doodayay eedeysanayaasha xukunka lagu riday.
Qareenada ay soo wakiisheen, ayaa u sheegay warbaahinta in loo diiday in la siiyo waqti ay ugu diyaar garoobaan difaacidda garsoorayaashaan iyo xeer ilaaliyaasha.
Mustafe Maxamed Jaamac oo kamid ah qareenadaas, ayaa sheegay, in waxa lagu haysto saraakiishan ay yihiin, go’aan ay ka gaareen dad loo haystay falal burcad badeednimo ah.
Wuxuu sheegay markii ay maalmo ka hor xukunka rideen, in looga yeeray madaxtooyada Garowe, iyagoo garaaddoodii xiran, kaddibna wuxuu sheegay in xabsiga lagu guray, iyadoo aan wax dacwad ah lagusoo oogin.
Garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha la xukumay:-
Gaashaanle dhexe, Keenadiid Cabdicasiis Axmed.
Gaashaanle dhexe Cabdiraxmaan Warsame Jaamac.
Gaashaanle Sahal Cabdi Cartan.
Gaashaanle Cabdiweli Maxamed Maxamuud.
Gaashaanle sare Aadan Cali Maxamuud.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More