Prof: Samatar: Aqoonsi Gobaladda Waqooyi usoo socdaa ma jiro

 
Axad, Juun, 16, 2024 (AX) – Guddoomiyaha Ururka Hillaac Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi anay dadaalkii loo baahnaa galin aqoonsi raadinta.
Samatar oo hadal u jeediyay ardayda Jaamacada New Generation ee Hargaysa, ayaa sheegay in anay jirin doodo cilmiyaysan oo qoran si adduunka loogu qanciyo waxa ay Gobaladda Waqooyi tahay.
“Aqoonsi Gobaladda Waqooyi usoo socdaa ma jiro, sabab? Waayo maynaan kasban dee, hawsheedii maynaan galin, waa ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo sheeg meel Gobaladda Waqooyi qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysantahay, waxaynu nahay” ayuu yidhi Samatar.
Samatar ayaa in badan fagaarayaal kala duwan ka sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo dood cilmiyaysan oo ka turjumaysa waxa ay Gobaladda Waqooyi tahay iyo wixii ay ahayd xiligii xoriyada iyo ka hor.
Hore waxa uu u sheegay in xuska 26 Juun uu ka muhiimsanyhay 18 May, isaga oo sheegay in 26 Juun ay ka turjumayso dowladnimada Gobaladda Waqooyi ee dhabta ah.




This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More