UK oo kordhisay taageerada ciidamada amniga Soomaaliya oo ay ku bixinayso 2.75 milyan oo gini
Khamiis, April, 18, 2024 (AX) - Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku yaboohday lacag dhan 2.75 Milyan oo Giniga Istarliinka ah si loogu xoojiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.
Maalgelintan, oo loo soo marinayo Sanduuqa Trust ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa bixin doona agabyada raashiinka, qalabka isgaarsiinta, iyo teendhooyinka.
Dhaqaalahan ayaa sidoo kale lagu taageeri doonaa daad-gureynta sahayda caafimaadka iyo dadaallada lagu dhisayo awoodda…