Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka jawaabtay wafdi Gobaladda Waqooyi u dirtay Taiwan

 
Arbaco, May, 29, 2024 (AX) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay ka qeyb galka Gobaladda Waqooyi ee caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bishaan May.
Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa saxaafadda u sheegay, in Shiinuhu mowqifkiisu yahay in Gobaladda Waqooyi ay qeyb ka tahay Soomaaliya.
“Shiinuhu uma arka Gobaladda Waqooyi dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada aas aasiga ah ee in Gobaladda Waqooyi ay katirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha.
Afhayeenka safaaradda Shiinuhu wuxuu sheegay, dowladd badan, hoggaamiyayaal siyaasadeed iyo shakhsiyaad kale in ay aaminsan yihiin mabda’a Shiinaha ee ka dhanka ah gooni isku taagga Taiwan.
Hadalka Shiinaha ayaa yimid, ka dib markii dhawaan Gobaladda Waqooyi ay wafdi u dirtay Taiwan, si ay uga qeyb galaan xafladda caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan ee dhawaan la doortay.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More