Maamulka Jubbaland oo abaabul dagaal ka bilaabay gobolka Gedo

 
Arbaco, May, 29, 2024 (AX) – Hogaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa halkaas ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Maxamuud Sayid Aaden ayaa gudaha degmada Ceelwaaq kula hadlay ciidan cusub oo dhawaan tababar loo soo xiray, kuwaas oo loo diyaariyay iney ka qeyb qaataan sugidda Amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Hogaamiye ku xigeenka Jubbaland ayaa u sheegay ciidanka cusub iney u dyaar garoobaan ka qeyb qaadashada howlagalada lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab ee lagu doonayo in guud ahaan looga ciribtiro deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.
Deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka mid meelaha ay wali sida weyn ugu xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, waxaana Jubbaland ay wadaa qorsheyaal ay ku dooneyso iney kooxda uga saarto guud ahaan deegaana ay kaga sugan yihiin Jubbaland.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More