Howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Gedo
Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalada ka fuliyay deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo oo ay horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab.Taliyaha guutada 10-aad ee qeybta 43-aad Gaashaanle sare Cismaan Niiniile oo hoggaaminaayay howlgalada ayaa warbaahinta u…