Browsing Tag

gaashaandhigga

Afhayeenkii madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabay eedayntii wasiirka Gaashaandhigga

 Khamiis, Juun, 13, 2024 (AX) - Afhayeenkii hore madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa), ayaa beeniyay dowladda madaxweyne Farmaajo inay qorshaynaysay in qabuuraha Iskuul Buulisiya loo beddelo hotelo ganacsi, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga.Cabdirashiid Xaashi oo haatan ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hadalka wasiirka Gaashaandhigga ku tilmaamay mid been abuur ah.Waxa uu sheegay hadalka wasiirka inuu yahay mid lagu xalaalaysanayo qorshaha hadda…

Wasiirka gaashaandhigga: Dowladdii Farmaajo waxay qorshaynaysay in qabuuraha Iskuul Buulisiya laga dhiso hotelo ganacsi

 Arbaco, Juun, 12, 2024 (AX) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay xukuumaddii hore ee Soomaaliya inay gacanta ku haysay qorshe ku aaddan in dhulka qabuuraha loo adeegsado in laga dhiso hotel ganacsi.Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaas ay ka horyimaadeen culimada Soomaaliyeed, oo sheegay inay xaaraan tahay in dhulka qabuuraha loo adeegsado dano ganacsi oo gaar ah.“Xukuumaddii madaxweyne Farmaajo dalab ayey culimada u gudbiyeen si qabuuraha Iskool Buluusiya ay Hotelo uga dhistaan…

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka

 Jimco, May, 31, 2024 (AX) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka todobaadkii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab iney ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeelooyinka Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool.Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka in ciidamada dowladda ay howlgaladaasi…

Shirka Golaha Wadatashiga oo warbixin looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka

Khamiis, May, 16, 2024 (AX) - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socda maalintii sadaxaad oo xiriir ah xarunta Aqalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin waxaa looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.Afhayeenka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in Taliska ciidanka xoogga dalka in madaxasha ku soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga Koowaad ee howlgalada looga xureeyey kooxda Al-shabaab deegaano badan oo…

Guddiga difaaca baarlamanka oo kulan daah furan ugu yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka

Guddiga difaaca baarlamanka oo kulan daah furan ugu yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka  Sabti, April, 27, 2024 (AX) - Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kulan daahfuran la yeelan doonaan wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS, si wax looga weydiiyo musuq maasuqo raashinkii loogu talagalay ciidanka DANAB, oo ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay tababareen Maraykanka.Warsaxaafadeed uu guddiga soo saaray, ayuu wuxuu nasiib darro ku tilmaamay musuq maasuqa…

Wasiirka Gaashaandhigga oo xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh ay u xiran yihiin leexsashada raashinka ciidanka Danab

Axad, April, 28, 2024 (AX) - Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh oo katirsan ciidan Danab lagu qabtay iyagoo gacmaha kula jiray musuq maasuq ka dhan ah raashin loogu talo galay hal guuto oo kamid ah ciidanka Danab.Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkan ku sheegay wareysi siiyay universal Tv, isagoo sheegay, falkaan inuu dhacay bishii hore, ayna muddo shan cishe ah u xiran yihiin saraakiishii ku lug lahayd falkaas.Wuxuu sheegay in raashinka lagu iibsaday…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More