Soomaaliya iyo Itoobiya oo wada hadal rasmi ah uu uga furmayo magaalada Ankara

 

Axad, Juun, 30, 2024 (AX) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo wafdiga la socda ayaa maanta u ambabaxay Turkiga, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wada hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gar wadeen ka tahay dowladda Turkiga.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in Xukumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay mabaadi’deeda ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Turkiga ayaa Soomaaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo  khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dhawaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa kulamo la qaatay Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xukumadda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan wax wada hadal ah la gali doonin Ethiopia, illaa iyo inta Itoobiya ay ka laabanayso heshiiska arrimaha badda oo ay kula jirto maamulka Gobaladda Waqooyi
Xukumadda Soomaaliya ayaa u qabatay bishaan June ee maanta ku eg, inay Itoobiya uga laabato heshiiska badda, haddii kale waxay dowladdu sheegtay in ciidamadeeda ay si degdeg ah dalka uga bixidoonaan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More