Gobaladda Waqooyi oo beenisay wararka sheegaya in la xidhay xafiis wakiileed keeda Jabuuti

 
Axad,  Juun, 30, 2024 (AX) – Wakiilka Gobaladda Waqooyi ee Jabuuti Cabdiftaax Siciid Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay jabhada ay Somliland sheegtay in Jabuuti kusoo dhawaysay waddankeeda.
Wakiilka oo ku sugan dalka Ingiriiska oo waraysi gaar ah siiyay Horn Cable TV, ayaa sheegay in uu berri imanayo magaalada Hargaysa, isla markaana ay xukuumada Gobaladda Waqooyi ugu yeedhay wadatashi.
“Runtii waa arrin laga xumaado sida uu madaxweynuhuba shalay sheegay intaa waanu la soconay, arrinkaana runtii lagama filanayn waddanka aan walaalaha nahay ee jaarka ah” ayuu yidhi Amb. Axmed.
Wakiilka ayaa dhanka kale beeniyay jiritaanka war lagu daabacay jariirada Gobaladda Waqooyi Chronicle oo sheegayay in Xafiiska Wakiileedka Gobaladda Waqooyi ee Jabuuti laga jaray korontadii iyo biyihii isla markaana la xidhay.
Wakiilku waxa uu sheegay in xafiisku uu shaqaynayo oo maanta oo ugu danbaysay ay fiisayaal usoo saareen xildhibaano iyo madax kale oo reer Jabuuti ah oo xagaabax u yimid Gobaladda Waqooyi.
Hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqa Awdal State ayaa shalay guddaha Jabuuti uga soo hanjabay Gobaladda Waqooyi, taasi oo ka cadhaysiisay xukuumada Gobaladda Waqooyi, madaama oo Gobaladda Waqooyi ay hore u diiday in ay martigaliso jabhado kasoo horjeeda Jabuuti.
Xukumadda Jabuuti ayaa aad uga cadhootay isfahanka Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya, oo ay u aragto khatar dhaqaale iyo istiraatajiyadeed, iyadoo Hogaamiye Geelle uu isfahanka ku tilmaamay midi dhabarka kaga dhacday waddankiis.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More