U bood qoraalka
Monday, November 23, 2026 12 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Asr 15:10
Muqdisho 29°C
Degdeg Wasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey, iyadoo lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.
Warar Deg-deg ah
Wasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey, iyadoo lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.Xildhibaannada Soomaaliya iyo AUSSOM oo ku heshiiyay in dib loo furo garoonka diyaaradaha Beledweyne kaddib iska hor imaadyo dhimasho dhaliyayKooxaha samatabbixintu waxay sii wadaan baadigoobka kaddib markii ay rogmatay doon siday dad u socday aas ka dhacay NigeriaKenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo u dhaqaaqaya soo celinta xiriirka diblomaasiyadeedAwood-qaybsiga beelaha oo horseeday isbeddelka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya xilli xiisadaha doorashadu taagan yihiinWasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadeyUkraine oo sheegtay in duqeymaha Ruushka ee gobolka Kyiv ay dileen 15 qofWasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey, iyadoo lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.Xildhibaannada Soomaaliya iyo AUSSOM oo ku heshiiyay in dib loo furo garoonka diyaaradaha Beledweyne kaddib iska hor imaadyo dhimasho dhaliyayKooxaha samatabbixintu waxay sii wadaan baadigoobka kaddib markii ay rogmatay doon siday dad u socday aas ka dhacay NigeriaKenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo u dhaqaaqaya soo celinta xiriirka diblomaasiyadeedAwood-qaybsiga beelaha oo horseeday isbeddelka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya xilli xiisadaha doorashadu taagan yihiinWasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadeyUkraine oo sheegtay in duqeymaha Ruushka ee gobolka Kyiv ay dileen 15 qof
Axadle
Qolka Wararka Axadle Somalia Af-Soomaali

Wasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey

Wasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi ayaa xilkii laga qaadey, waxaana lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.

La soco

Isbeddel cusub oo lagu sameeyay hoggaanka sare ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayuu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaddib wareegto rasmi ah oo maanta ka soo baxday xafiiskiisa, taas oo xilka looga qaaday wasiirkii hore Axmed Macallin Fiqi.

Xilkaas muhiimka ah ayaa loo dhiibay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida lagu xaqiijiyay qoraalka kasoo baxay xukuumadda.

Wareegtada oo uu warbaahinta u akhriyay afhayeenka xukuumadda ayaa lagu caddeeyay in Ra’iisul Wasaaruhu uu go’aankan qaatay isaga oo cuskaday qodobka 120-aad, farqadihiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, tallaabadan ayaa timid kaddib markii uu tixgeliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isla markaana uu garwaaqsaday baahida degdegga ah ee loo qabo buuxinta booska Wasiirka Gaashaandhigga ee uu banneeyay Axmed Macallin Fiqi.

Magacaabista Saadaq Joon ayaa salka ku haysa dheellitirka saami-qaybsiga beelaha. Tani waxay ka dambeysay markii Liibaan Axmed Xasan uu noqday hoggaamiyaha Galmudug, arrintaas oo meesha ka saartay suurtagalnimada in Axmed Fiqi uu sii hayo xilka Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhinaca kale, isku-shaandheyntan kooban ayaa saameysay xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirrada, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu xilalka u kala beddelay labo wasiir ku-xigeen.

Isbeddelladan maamul ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay marayso meel xasaasi ah, isla markaana uu dalka ka taagan yahay khilaaf xooggan oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka.

Intaas waxaa dheer, magacaabista wasiirka cusub ee gaashaandhigga ayaa imanaysa waqti ay dalka ka taagan tahay hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan bixitaanka ciidamada shisheeye, kuwaas oo haatan bilaabay inay si tartiib-tartiib ah u faarujiyaan saldhigyadii ay ku lahaayeen gobollada dalka.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes