Baarlamaanka Turkiga oo joogitaanka milatari ee Soomaaliya kordhiyey ilaa 2028
ANKARA – Baarlamaanka Turkiga ayaa Talaadadii ansixiyey in laba sano lagu kordhiyo joogitaanka ciidamada dalkaas ee Soomaaliya, isagoo oggolaaday codsigii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ahaa in ciidamada Turkigu ay halkaas sii joogaan ilaa Luulyo 2028.
Waajibaadka dib loo cusboonaysiiyey ayaa u oggolaanaya ciidamada Turkiga inay sii wadaan hawlgallada ay ka fuliyaan Soomaaliya, iyagoo ku shaqaynaya heshiisyo laba geesood ah oo loogu talagalay xoojinta hay’adaha difaaca iyo amniga dalka.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in hawlgalku sii wadi doono taageerada dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, ka ganacsiga dadka iyo caqabadaha kale ee amni.
Mooshinkii loo gudbiyey baarlamaanka, dowladdu waxay ku sheegtay in Soomaaliya ay Turkiga ka codsatay inuu sii wado bixinta taageerada milatari, iyadoo lagu salaynayo Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee labada dal.
Ankara ayaa sheegtay in joogitaanka ciidamada looga gol leeyahay dhisidda awoodda ciidamada ammaanka Soomaaliya, ilaalinta khayraadka dhaqaale ee dalka iyo horumarinta dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo amniga qaranka.
Dowladdu waxay sheegtay in xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika iyo marinnada istaraatiijiga ah ee badda ee isku xira Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya. Waxay intaas ku dartay in hawlgalku gacan ka geysanayo ilaalinta qaar ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida.
Sida ku cad waajibaadkan, ciidamada Turkigu waxay ka hawlgeli karaan goobaha ay labada dowladood ku heshiiyaan, oo ay ku jiraan biyaha dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Tallaabadan ayaa sidoo kale oggolaanaysa in lala kaashado dalal kale iyo ururro caalami ah marka loo baahdo.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa tan iyo 2011 si weyn u xoojiyey xiriirkooda, iyagoo ballaariyey iskaashiga dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, mashaariicda horumarinta iyo difaaca.
Muqdisho, Turkigu wuxuu ku leeyahay xaruntiisa tababarka milatari ee ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda, taas oo tababartay kumannaan askari oo Soomaaliyeed, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ciidamada qalabka sida ee dalka.
Labada dowladood ayaa sii ballaariyey iskaashigooda 2024, iyagoo saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha oo dhigaya in la kordhiyo taageerada Turkiga ee amniga badda iyo awoodda difaaca Soomaaliya.
Xildhibaannada taageera dowladda Erdogan ayaa sheegay in dib-u-cusboonaysiinta waajibaadku ay muujinayso doorka amni ee Turkiga oo ku sii fidaya gobolka, isla markaana ay xoojinayso iskaashiga difaaca ee uu la leeyahay Soomaaliya, kaddib codsi uga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.
AXADLETM







