Skip to content
Tuesday, September 29, 2026 16 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:37
Muqdisho 25°C
Breaking: McEntee Says Use of Frozen Russian Assets for Ukraine Should Remain Under Consideration
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Taliye Xijaar oo xil badal iyo magacaabis ku sameeyay

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Warqad kasoo baxday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxaa isbadal lagu sameeyay saraakiil, ku xigeenno iyo xubno kale oo katirsan qaybta Booliiska.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in iyada oo la eegayo danta shaqada & baahida loo qabo in la dhameystiro howlaha adeegyada Booliiska lagu magacaabay saraakiisha oo ku hor qoran meelaha loo xilsaaray.

Hoggaanka Ciidanka, Maaliyadda & Saadka ayaa warqadda lagu faray in ay ka gutaan waajibaadka ku aadan howlaha xil u kala wareejinta saraakiisha cusub ee xilka la wareegeysa & kuwa shaqo badalka lagu sameeyay.

Axadle. 

How do you rate this story?

0 votes