Arbaco, Luulyo 22, 2026
Ciidamada badda Turkiga oo waardiye ka haya markabka ciidamada badda Turkiga ee F514 kaddib markii uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, Muqdisho, Soomaaliya, Abriil 23, 2024. (Sawirka Reuters)
Ankara (AX) — Turkiga ayaa ciidamadiisa qalabka sida ku sii hayn doona Soomaaliya ilaa Luulyo 2028, kaddib markii Baarlamaanku Talaadadii ansixiyey codsigii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ahaa in hawlgalka lagu kordhiyo laba sano oo kale, laga bilaabo Luulyo 27, 2026.
Codeyntu waxay u oggolaanaysaa ciidamada Turkiga inay sii wadaan hawlgallada ay ka fuliyaan Soomaaliya iyagoo raacaya heshiisyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.
Ciidamada la geeyey Soomaaliya waxaa loogu talagalay inay taageeraan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, tahriibka iyo caqabadaha kale ee amniga.
Sida ku cad waajibaadka hawlgalka, waa inuu waafaqsanaadaa qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah. Erdogan ayaa go’aamin doona baaxadda, xadka iyo goobaha uu hawlgalku ka dhacayo.
Madaxtooyada Turkiga ayaa Baarlamaanka u sheegtay in Soomaaliya ay codsatay sii wadista taageerada iyadoo la raacayo Heshiiska Qaab-dhismeedka Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay labada dal saxiixeen.
Waxay sheegtay in ciidamadu ay Soomaaliya ka caawin doonaan ilaalinta kheyraadkeeda dhaqaale, horumarinta awoodaha ciidamada difaaca iyo amniga, iyo u gudbidda heer ay hay’adaha qaranku si madax-bannaan u sugi karaan amniga.
Dowladda Turkiga ayaa carrabka ku adkaysay in xasilloonida Soomaaliya ay saameyn ka baxsan xuduudaheeda leedahay, iyadoo tilmaantay Geeska Afrika iyo marinnada badeed ee muhiimka ah ee isku xira Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in sii wadista hawlgalku ay sidoo kale taageeri doonto ammaanka marin weyn oo caalami ah oo maraakiibtu isticmaalaan.
Ciidamada Turkiga waxay ka hawlgeli karaan deegaannada ay labada dowladood si wadajir ah u cayimaan, oo ay ku jiraan biyaha hoos yimaada awoodda sharci ee Soomaaliya, iyagoo raacaya xeerar labada dhinac ku heshiiyeen.
Waajibaadku wuxuu sidoo kale oggolaanayaa in lala kaashado dalal saddexaad iyo ururro caalami ah marka loo baahdo.
Turkiga ayaa tan iyo 2011 xiriir dhow la sameeyey Soomaaliya, isagoo gargaarka bani’aadannimo, kaalmada horumarinta iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha ku daray iskaashi difaac oo sii ballaaranaya.
Labada dal waxay galeen heshiisyo ku saabsan tababarka milatari, iskaashiga farsamo iyo saynis, iskaashiga warshadaha difaaca iyo kaalmada dhaqaale ee milatari.
Ankara waxay Muqdisho ku leedahay saldhiggeeda tababarka milatari ee ugu weyn ee ka baxsan Turkiga. Kumannaan askari oo Soomaali ah ayaa halkaas lagu tababaray, taas oo qayb ka ah dadaallada dib loogu dhisayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya laguna wajahayo al-Shabaab.
Sannadkii 2024, Turkiga iyo Soomaaliya waxay saxiixeen Heshiiska Qaab-dhismeedka Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha, kaas oo ballaariyey taageerada Ankara ee amniga badda iyo awoodaha difaaca Soomaaliya.
Xildhibaannada dhinaca dowladda ayaa sheegay in kordhintu ay muujinayso doorka sii ballaaranaya ee Turkiga ee amniga gobolka iyo iskaashigiisa difaac ee Soomaaliya, kaas oo lagu fulinayo codsiga dowladda caalamku aqoonsan yahay.
Waxay sheegeen in hawlgalku qayb ka yahay iskaashiga ballaaran ee Turkiga ee Afrika, kaas oo loogu talagalay in Soomaaliya laga caawiyo dhisidda hay’ado amni oo iskood isu maamuli kara, horumarinta xasilloonida gobolka iyo ilaalinta marinnada ganacsiga badda ee istaraatiijiga ah.
Go’aanka Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka ee ay dowladda Turkigu leedahay, ay sii wadaan qodista ceelka shidaalka Curad-1 ee xeebaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in natiijooyinka hordhaca ah ee sahminta Curad-1 la filayo dhammaadka 2026. Curad-1, oo qiyaastii 372 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan Muqdisho, waa ceelkii shidaal ee ugu horreeyey ee si rasmi ah looga qodo badda Soomaaliya.
Qodistu waxay bilaabatay kaddib markii sahanno seismic oo 3D ah lagu soo gabagabeeyey saddex aag oo badeed, laguna aqoonsaday goobta hawlgalka.
Ceelka ayaa la filayaa inuu gaaro ku dhowaad 7,500 mitir, waxaana dhammaystirkiisu qaadan karaa ilaa 288 maalmood, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah ceelasha shidaalka badda ee ugu qotada dheer dunida.
– Iyadoo laga duulayo xogta TRT







