Skip to content
Sunday, October 25, 2026 13 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 29°C
Breaking: More Than 2,000 Flee Clashes in Ethiopia as Death Toll Rises
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Sidee ayuu Puntland uga baxsaday maxbuuskii ku xukunaa dilka…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Garoowe (Axadle) – Taliska ciidanka Asluubta dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahiyey sida uu u baxsday Axmed Cabdi Jaamac oo ku xirnaa xabsiga magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, kuna xukunaa, xukun dil toogasho ah.

Afhayeenka ciidanka Asluubnta oo lagu magacaabo, G/le Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in maxbuuska oo ay soo wajahday xaalad caafimaad uu u baahday daryeel caafimaad oo ka baxsan xabsiga kadibna marka la waday uu baxsaday.

- Advertisement -

Xirsi ayaa sidoo kale xusay in tuhun ay ka qabaan saraakiishii iyo ciidankii loo xil-saaray soo daaweynta maxbuuska fakaday, isaga oo tilmaamay inay dayacaad sameeyeen.

“Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo u xirnaa dil toogasho ah ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday Isbitaalka guud si loo daweeyo, saraakiil ayaa loo xilsaaray howshaas balse way la garab mareen oo afka ayay la galeen ciidan hubeysan oo u diyaarsanaa, markii aan baaris dheer sameynay waxaa inoo caddaatay in dayacaad la sameeyay”ayuu yiri Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi  oo afhayeenka ciidanka Asluubta Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la xiray saraakiishii loo xil-saaray caafimaadka maxbuuska , sidoo kalena lagu raad joogo mid ka mid ah askartii waday maxbuuska oo maqan..

“Waxaa dhici karto in qaarkood ay xiriir la leeyihiin Raggaas hubeysnaa, waxaa maqan mid kamid ah ciidankii waday Maxbuuska balse waxaa xiran saraakiishii mas’uulka looga dhigay in ay isbitaalka geeyaan xukmanaha dibna ugu soo celiyaan Xabsiga ” ayuu yiri.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ay ka baxsadeen qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo si gaara u beegsaday xasbigaasi.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes