QM oo maamuseysa (Maalinta Cunnada Adduunka) xili ay dhintay

16-ka Oktoobar maalinta cunnada aduunka ee Qaramada Midoobay u gooni yeeshay in lagu xusuusto dhibaatooyinka dhanka cunta la’aanta, tayada, helista cunno badqabkeedu wanaagsan yahay iyo dhiiragelinta Muruq-maalka Beeraha leh.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada ee WFP ayaa ku tiirsan dhaqaalaha waddamada xubnaha ka ah Golaha ammaanka oo ku kala bixin saamiga bixinta, si ay cunno ugu iibiyaan dalalka dhibaatooyinka ku jira, u dhiirageliyaan beeraleyda & la socodka qoysaska u baahan kaalmada.

Caqabadaha ugu weyn sanadkaan waa dhibaatooyinka laga dhaxlay Covid-19 oo sabab u noqday joojitaanka isu socodka waddamada caalamka, Ayaxa ku habsaday Beeraha, musiibooyinka dabiiciga sida daadadka, duufaanta iyo kuwo kale oo kordhay.

WFP ayaa sheegtay in Bandowga Dowladaha Caalamka ee la xiriira kahortagga faafitaanka Covid-19 uu sanadkaan 2020 ka dhigay in hoos u dhac uu ku yimid waxsoosaarka Beeraha iyo suuq-geynta dallagii soo go’ay.

Qaramada Midoobay waxa ay eegtaa shantaan qodob si loo helo cunno tayadeedu wanaagsan, isla markaana waxa ay diiradda saartaa in Jiilka la baro si mustaqbalka ay usii wadaan hubintaan caafimaadka ku jiro.

Qudheeda Qaramada Midoobay waxa ay dhintay raashinka Gargaarka ah oo ay ku quudiso Qaxootiga dalalkooda ka baxsaday in ay u raadsadaan nolol dhaanta tan waddankooda ay ka qaxeen.

Qiimeynteeda dhanka Raashinka ama cunnada waa tanka, dheefta ku jirta, Wax ka qabashada Gaajada (Cunno la’aanta), Hal abuurka, Iibinta waxsoosaarka wanaagsan, Dabagalka iyo la socodka isu dheelitirka cunnada.

Dadka qaar ayaa ku eedeeya QM in ay ka gaabisay garabsiinta dadka beeraleyda ah ee kunool dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo sida Soomaaliya, maadaama xiliyada loo baahan yahay gurmadka in ay ka dib-mariso!

Haddaba, Qaramada Midoobay maka go’an tahay soo afjaridda Cunno la’aanta heysata waddamada colaadaha ku jira & kuwa dhaqaalahoodu hooseeyo?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More