Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Dhaqaatiir uu ku dhacay Covid-19 oo dadka ka daweynaya

Xannuunka Covid-19 ayaa saameeyay waddamada Qaaradda Yurub oo si joogta ah maalin waliba looga diiwaangeliyo dhimasho, kiisas cusub iyo dadka ka caafimaaday xannuunka Coronavirus. Biljamka (Belgium) waxa uu soo galay booska 24-aad guud ahaan Caalamka waddamada laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee xannuunka, halka liiska kala sareynta qaaradda Yurub uu tiigsaday kaalinta 8-aad. Maanta oo talaado ah kuna beegan 27/10/2020 waxaa laga diiwaangeliyay 12,687-bukuuno cusub &…

Ciidamada ammaanka DG Puntland oo Boosaaso ka sameeyay

Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari oo dhawaan Ciidamo dheeraad ah DG Puntland geysay waxaa ka bilawday howlgalo saraakiisha askarta hoggaamineysa ku tilmaameen Amni sugid. Ciidamada ayaa baaraya xaafadaha qaar, Gaadiidka & Dadka saaran, maadaama walwalka ugu weyn ee maamulkaas uu yahay sugidda ammaanka Magaalada Boosaaso oo marar kala dilal & qaraxyo ay ka dhaceen. Kuraasta qaar Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa loo asteeyay in lagu qabto Xarunta…

Muqdisho oo martigelineysa dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed! –

Magaalada Muqdisho waxa ay martigelineysaa dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed oo ay sameynayaan mas’uuliyiinta Dowladda iyo Xisbiyada Mucaaradka kahor inta aan la guda gelin waqtiga Doorashada 20/21. Nairobi waa barta kulmisay Siyaasiyiin u xul-duubeysa hanashada kursiga ugu sareeyo dalka ee Hogaamiyaha, waxaa wehliya shaqsiyaad kale oo ku haminaya kasoo muuqashada Dowladda dhismaheeda la qorsheynayo. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kamid ahaa mas’uuliyiin…

Muddo xileedka Sharciga ee DG Hir-Shabeelle oo 17-cishe la

Muddo xileedka 4-ta sano ah ee DG Hir-Shabeelle ayaa ku idlaaday 9-kii bishaan, waxaana qorshuhu ahaa in la diyaariyo Baarlamaanka labaad si uu u doorto guddoonka cusub oo sii wada howsha. Magaalada jowhar kama muuqda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xitaa lagu soo diyaarinayo Xildhibaannada labaad ee Beelaha, Odoyaasha Beelaha uma intooda badan waa ay ka maqan yihiin Magaalada oo xitaa hogaamiyayaasha qaarkood ayaa afka ka qabsaday ka hadalka howsha socota. Guddoomiyaha…

Madaxii Shirkadda Amal ee Magaalada Kismaayo oo la toogtay –

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta Kooxo hubeysan ay toogteen Madaxii Shirkadda Amal, qaybta Magaalada Kismaayo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdisalaan (Cabdullaahi Shigshigow). Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo, kadib markii dableyda hubeysan ay toogteen marxuumka. Ciidamada Booliska Jubbaland oo tagay goobta dilka uu ka dhacay, ayaa waxa ay halkaasi…

Dunida Muslimiinta oo cambaarayn hawada u marinaya

Diidmada ka dhalatay cambaareynta Hogaamiyaha Faransiiska Emmanuel Macron ee Islaamka ayaa sii xoogeysatay ka dib markii Hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu su’aal ka keenay caafimaadka maskaxda ee dhiggiisa Faransiis, halka Muslimiinta dalal dhowr ah ay dalbanayaan in la qaadaco xiriirka Faransiiska. Erdogan ayaa markii labaa asbuuc gudihiis ku celiyey in “maskaxda laga baaro” madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dhalatay hadal uu…

Daacish oo sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday fariisin

Ciidamo ka tirsan Daacish oo ku sugan buuralayda Galgala ee gobolka Bari ee Puntland. Sawir Hore. Ururka Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar shalay ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdosho , kaasoo lagu dhaawacay saddex askari oo Ciidamada Militeriga Dowladda Faderaalka ah  katirsan. Wakaaladda Acmaaq ee baahisay wararka Daacish ayaa sheegtay in rag bistoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidamada amaanka xaafadda Xoosha, halkaasi oo uu…

Isreal oo Suudaan u direysa Qamadi qiimo ahaan ku kacaya $5

Heshiiska Israaiil & Suudaan ee uu Garwadeynka ka ahaa Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa sahlay in Yuhuuddu ay Qamadi ugu deeqdo Xukuumadda Khartuum kadib markii ay aqbashay (Saaxiibtinimada cusub). War kasoo baxay Israaiil ayaa lagu sheegay in Qamadigaan lagu qiimeeyay lacag dhan $5 Milyan, waxaana ay u gacangelineysaa Dalka Suudaan ee dhaca waqooyiga Qaaradda Afrika oo dhibaato dhanka cunnada heysata. Raysul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in…

Taliye Xijaar oo Dhuusamareeb ku qabtay kulan looga hadlay

Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug waxaa ka dhacay kulan looga hadlay ammaanka Magaaladaas, waxaana shir guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Saraakiisha Booliiska DG Galmudug, Taliyaasha Saldhigga Dhuusamareeb iyo waaxyaha magaaladaas ayaa laga xog dhageystay xaaladda ammaanka & qorshaha lagu sugayo oo ay ku howlan yihiin Ciidamada. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa saraakiisha faray in ay laba-laabaan…

“Waddooyinka xiran waala furaa marka laga gudbo duruufta

Dowladda Federaalka ayaa furtay qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood waqti dheer xiran, waxaana ugu dambeysay wadada isku xirta Isgoysyada KM4 & Tarabuunka. Xalay ayaa la dhameystiray qorshaha lagu qaaday dhagaxaanta Gidaarka u ahaa dhismaha Safaaradaha Turkiga & Qadar oo isaga kala dambeeyay Dhismo ku yaalla oo ay saldhigteen sanado kahor. Dadka ayaa wareeg dheer usoo mari jiray Isgoyska KM4 iyo Dhismaha Madaxtooyadii Hogaamiye Cabdiqaasim Salaad…