Shirka Madasha Soomaaliya & Saaxiibada Caalamka oo maanta
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shir loogu magac daray Madasha Soomaaliya & Saaxiibada Caalamka oo looga hadlayo Xaaladda Dalka, Doorashada, Amniga, Dhaqaalaha, Taageerada & qodobo kale.
Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furaya Shirka, Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa kulanka uga qaybgalaya aaladda fogaan aragga (Video Conference), Wakiilada kala duwan ee dalalka caalamka & Ururada daneeya Soomaaliya.
Qodobada ugu weyn ee diiradda la saarayo waa Doorashada 20/21 & Amniga oo warbixin guud laga dhageysanayo Raysul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble & Madax Goboleedyada.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhankooda madasha ku biirinaya dhaq-dhaqaaqyada Siyaasadeed, Cabashada Musharixiinta & sida ay la tahay in lagu waji karo doorasho lagu qanacsan yahay.
Dhanka Amniga, howsha ugu weyn ee xigta Doorashada waa Ammaanka, hoggaanka AMISOM & Saraakiisha dalalka Soomaaliya usoo diray qubarada ciidan ayaa la dhageysanayaa xogta qiimeynta isbadalka Amniga.
Dowladda Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa qabashada Doorasho laga digay in ay sababto rabsho & isku dhac, maadaama ay ka dhega fureysatay cabashada ka timid xubnaha qaar ee Guddiga Doorashooyinka.
Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa soo gudbiyay xubnaha maamulaya Doorashada Soomaaliya, halka Hogaamiyaha Jubbaland uu shardi ka dhigay in Ciidanka DFS ay geysay Gobolka Gedo kasoo qaado.
Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay soosaaray Warsaxaafadeed uu Madax Goboleedyada aan soo dhammeystirin Guddiga Doorashada in ay soo dedejiyaan si shaqada ay u bilaabato.
Axadle.