Wasiir Jamaal:-Shaqo ay Soomaali qaban karto ayaa farsamo
Wasiirka wasaaradda Qorashayn Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo hadlayay shaqa la’aanta haysta dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqblikarin in shaqooyinka ay qaban karaan dhalinyarada Soomaaliyeed loo dhiibo dad ajaanib sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Janaal ayaa sheegay in ay dalka joogaan farsamo yaqaano Soomaali ah kuwaas oo aan shaqo laäaan haysato, taas badalkeedana farsamo yaqaano ajanabi ah dibadda looga keeno shaqooyin fudud isaga oo tusaale u soo qaaday ajaanibta ku sugan xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho.
“Shaqo soomaali ay qaban lahayd ayaa farsamo yaqaano ajanabi ah dibadda looga keena sida ka jirta Xalane, wax la aqbali karona maahan “ ayuu yiri wasiirka qorashaynta Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay xukumadda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii goboladda dalka looga hirgali lahaa dugsiyada farsamada gacanta si loo yareeyo heerka shaqo la’aanta Soomaaliya.
Waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo ganacsata Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay shaqo u abuuraan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho iyo gaboladda kale ee dalka.
Shacabka Soomaaliyeed oo u badan dhalinyaro. Hay’adaha dowladda oo awooddoodu yartahay, amni xumada, kaabayaashii dhaqaalaha oo burbursan, iyo fursado badan oo shaqo oo aanan jirin ayaa ka dhigay dhalinyaro badan kuwo shaqo la’aan ah ama ku shaqeeya xaalado adag.
Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka Afrika oo ay dhalinyaradu u badan yihiin. Sida ay muujisay sahan ay sameeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Tirakoobka (2014), 75 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed waxa ay da’doodu ka yar tahay 30 sano.
In ka badan kala bar dadka (qiyaastii 6.3 malyan ama 52.4 boqolkiiba) ayaa ku jira da’da shaqada (oo ah da’da u dhexeysa 15-64 sano oo ah da’da dadka shaqeyn kara ama doonaya in ay shaqeeyaan). Dadka ugu badan (43.7 boqolkiiba) waxa ay ku nool yihiin magaalooyinka waawayn ee Soomaaliya.