Maxay kawada hadleen Hogaamiye Farmaajo & Amiirka Qadar? –
Xiriir Telefoon oo Gelinkii dambe Axaddda dhexmaray Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Amiirka Qadar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani waxa ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya.
Tamiin & Farmaajo ayaa isku soo hadal qaaday xiriirka labada Dowladood ee Soomaaliya & Qadar oo wanaagsanaa tan iyo sanadkii 2017-kii oo ka bilawda muddo xileedka Hogaamiyaha Farmaajo.
Sidoo kale Xukuumadda Dooxa ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay kaalmada ay u baahan tahay Soomaaliya, sidaas awgeed waxa sheegtay in ay xoojineyso Xiriirka wanaagsan oo ay wadaagaan Muqdisho.
Hogaamiyaha Soomaaliya & Amiirka Qadar ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay sameeyay xiriir Telefoon ku dhawaad 10-jeer, waxaana xogta wadahadalkaas lagu soo koobay xoojinta xiriirka & iskaashiga Muqdisho & Dooxa.
Qadar ayaa mashaariic kala duwan dalka ka fulisay, halka qaar kale ay ballanqaaday inkasta oo aysan ku dhaqaaqin, sidoo kale waxa ay Soomaaliya siisay taageero dhaqaale si loo xoojiyo qorshaha Dowladda Federaalka.
Welwelka ugu weyn ee heysta Dowladda Soomaaliya waa Doorashada 20/21, Sugidda amniga, Qorshaha Trump uu ku saarayo Ciidamada Ameerikaanka ah & xaalado kale oo Dowladdu ay u baahan tahay in laga garabsiiyo.
Hogaamiye Farmaajo iyo Amiirka Qadar oo kawada hadlay Xaaladda labada Dal.
Hogaamiyaha Soomaaliya & Amiirka Qadar oo iska xog wareystay Xaaladda iyo xiriirka labada Dal.
Axadle.