Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya oo Cambaareysay

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay duqeyn Kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ka fulisay Boqortooyada Sacuudiga, waxaana loo adeegsaday diyaaradaha aan Duulliyaha lahayn. Goobta la beegsaday waa Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyaad Jimcihii 19-ka Maarso 2021, inkasta oo aysan jirin faah-faahin Boqortooyada Sacuudiga ay ka bixisay waxyeelada ka dhalatay duqeyntaas. “Soomaaliya waxa ay markale ku celineysaa in Sacuudiga ku garab taagan tahay ilaalinta amnigeeda qaran &…

participation and transparency, the challenges of

Congolese are called to the vote this Sunday, March 21, 2021, to elect a new president. Seven opponents are running, including outgoing Denis Sassou-Ngueso, who is already accumulating at 77, 36 years at the helm of the country. The main focus of the vote: participation. But also transparency. In total, almost 2.5 million…

Muhiimada Shirka jaraa’id ee Wasiir Dubbe

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya Cusmaan Abuurkar Dubbe oo ka hadlay maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu xalay iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo uu ka dhacayo teendhada Afisiyooni ee ciidamada cirka. Shirkan oo la qorsheeyay in la qabto 22ka bishan ayaa loogaga hadlayaa arrimaha doorashooyinka waxaa shirkan qaban qaabadiisa ku howlan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya sida uu sheegay Wasiir Dubbe. “Xataa haddii badda dhexdeeda lagu shirayo waan tageynaa,” ayuu…

Saldhigga Garoonka Aadan Cadde oo la hoos geeyey Hoggaanka Booliiska

Xukuumadda xilkeedu dhammaaday ayaa nabadgelyada garoonka Aadan cadde waxa ay hoos geysay hoggaanka Booliiska gobolka Banaadir, Saldhigga garoonka oo hoos tegi jiray Hoggaanka illaalinta Canshuuraha ee Booliiska oo ka madaxbannaanaan Hoggaanka Booliiska ayaa Xukuumaddu go’aamisay in la hoos geeyo Taliska Booliiska gobolka Banaadir Generaal Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon. Taliyaha ciidamadda booliska Soomaaliya, Jeneraal Xijaar, ayaa qoraal uu saaray saldhiga bileyska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu hoos-geeyay taliska…

Imran khan oo Covid-19 ku dhacay xili laga tallaalay

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay Xannuunka Covid-19 sida uu isaga qudhiisa ku xaqiijiyay bartiisa Twitter-ka oo uu soo dhigay qoraal uu dadka ugu sheegayo in uu haleelay fayruska. Imran ayaa soo daliilsaday Aayad qur’aan, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu caafimaad degdeg ah helo, Dadka ayuu ugu baaqay in ay is dejiyaan isla markaana qadarka alle uusan dhinacna uga gudbeen. وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ°And when I am ill, it is He Who cures me.(Qur’an 26:80) Prime Minister Imran Khan has…

Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Japan.

Sida ay tebisay Warbaahinta Japan Xeebaha Bari ee Dalkaas waxaa maanta oo Sabti ah ku dhuftay Dhul-gariir xooggan oo saameeyay isu socodka Gaadiidka Badda, dalxiiska Xeebaha & isu imaatinka Bulshada. Qubarada ku taqasustay Dhul-gariiska ayaa Cabirkiisa ku sheegtay 7.2 Magnitude, muuqaallo kala duwan oo laga duubay dhismaha qaar waxaa ka muuqday dhaqdhaqaaqa dhismaha oo qaarkood ku sigtay in ay dumaan. Kooxda gurmadka degdeg ah oo horay u helay saadaalinta khubarada ayaa isu diyaarisay in ay tagto meelaha ugu halista…

Jubbaland: DFS waxa ay hub, Gaadiid & Ciidan cusub geystay Gedo

Warsaxaafadeed kasoo baxay DG Jubbaland ayaa looga hadlay Ciidanka Dowladda Federaalka, Gaadiidka & Hubka cusub ee Jimcihii 19-ka Maarso 2021 la geeyay Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Doolow. Qoraalka DG Jubbaland ayaa nasiib darro lagu tilmaamay in Gobolka Gedo oo dadka degen la dhibaateysan Abaarta heysata Dowladda Federaalka ku kordhiso ciidankeeda halkii gurmad la siin lahaa shacabka. Warsaxaafadeedka kasoo baxay DG Jubbaland ayaa lagu daray in gulufka colaadeed wixii ka dhasha uu dusha saaranayo Madaxweynaha…

Sudan oo dalbatay in lagu taageero Qamadi (Sareen)

Dowladda Suudaan ayaa dalbatay gargaar bani aadamnimo gaar ahaan Qamadi (Sareen) si ay wax ugu qabato nolosha dadka u baahan ee kunool dalkaas maadaama gurmad xiliyo kala duwan la siiyay uu kaafin waayay. Warbaahin kala duwan oo qaarkood kasoo baxday Suudaan ayaa sheegtay in baahida Qamadiga (Sareen) ay tahay mid taagan una baahan garab istaag joogta ah si looga baaqsado dhibaatooyinka dabiiciga ah. Hay’adda Cunnada Qaramada Midoobay u qaabilsan WFP ayaa sheegtay in sanadkaan 2021 Suudaan siisay Sareen balse weli ay…

On the entrance web page of the Kinshasa press: the query of

In the daily Le Potentiel, in the headline, "Election 2023: CENCO Reveals Its Roadmap". According to this newspaper, "the National Bishops' Conference in Congo intends to maintain pressure on the government to hold parliamentary elections in 2023." This structure of the Catholic Church insists that it "does not tolerate any slippage", we can still read. "The CENCO roadmap includes a range of activities, Le Potentiel…

Somaliland oo maanta bilaabeysa Tallaalka Covid-19

Deegaannada Somaliland waxaa maanta oo Sabti ah kuna beegan 20-ka Maarso 2021 ka bilaabanaya Tallaalka Covid-19 ee looga hortagayo faafitaanka Xannuunka safmarka ah ee galaaftay nolosha malaayiin ruux guud ahaan Caalamka. Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay in mas’uuliyiin kala duwan lagu bilaabayo tallaalka Covid-19 kahor inta aan la mudin (La durin) Shaqaalaha Caafimaadka, howlwadeennada kala duwan & ciidamada ammaanka. Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland oo la geeyay Tallaalka ayaa laga…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.AcceptRead More