Skip to content
Saturday, October 17, 2026 5 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:43
Muqdisho 29°C
Breaking: New Galmudug Parliament Sworn In Ahead of Leadership Elections
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Madaxweyne goboleedkii labaad oo yimid & wararkii u dambeeye…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Muqdisho ee Axadle Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Muqdisho uga hortegay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee soo gaaray Muqdisho, waxaana ka horreeyey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ayaa waxa uu la xiriiraa ka qeyb-galka shirka golaha wada-tashiga qaran ee uu dhowaan iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa wararkii ugu dambeeyey ee sheegayaan inuu ku yimid dib u dhac, maadaama lagu ballamay inuu si rasmi u furmo maanta oo Sabti ah.

Dib u dhacan ayaa waxaa sababay arrimo la xiriira dabaal-degga xuska 26-ka June oo maanta ku beegan iyo sidoo kale madaxda qaar oo aan weli soo gaarin Axadle.

Sidoo kale waxaa haatan la sugayaa oo saacadaha soo socda imaan doono Muqdisho madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Puntland.

Wada-hadallada markale Muqdisho ka dhacaya oo ku soo aadaya, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan qodobadii ka fuli waayey heshiiskii horey loo gaaray iyo dar-dar-gelinta jadwalka doorashooyinka 2021-ka.

How do you rate this story?

0 votes