James Swan:-Qaramada Midoobay waxaa ka go’an sii wadista

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambsadoor James Swan ayaa maanta oo sabti shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Aalada Fogaan araga ah ee Loo yaqaano ZOOMka waxa uuna ka hadlay dabaal daga maalinta caalamiga ah ee 24 October oo loo dabaal dago maalinta Qaramada midoobay ama  UNday, taas oo ka dhigan  aas-saaskii iyo axdigii Qaramada Midoobay ee sanadkii 1945.

James Swan ayaa qaybaha hore ee shirkiisa jaraa’id waxa uu kaga hadlay Xaalladda Coronavirus ee Soomaaliya, wadahadaha Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka iyo arimaha Doorashooyinka dalka waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta nabad galyada iyo u diyaar garoowga doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay ka wada qayb qaataan dhamaan dhinacyada Siyaasadda ee Soomaaliya iyada oo su’aalo laga wadiiyay xaaladda wadanka ee Coronavirus, Waxbarashada, taageeradda qaramada Midoobay ee Soomaaliya, dadaaladda dalku ugu jiro doorasho waqtiyaysan,amaanka, hadalkii dhawaan ka soo yeeray Donald Trump ee ahaa in Maraykanku ciidankiisa uu kala baxayo Soomaaliya iyo arimo kale oo la xiriira geedi socodka taageerada qarmada midoobay ee dowlad-dhisida Soomaaliya.

Amb Swan wuxuu kaloo ka hadlaya iskaashiga muddada-dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyo sida hay’adda adduunku shaqadoodo ula jaanqaadayso mudnaanta dalka ee dhismaha nabadda, dimuqraadiyadda, iyo horumarka Soomaaliya.

Amb James Swan waxa uu u sheegay wariyayaasha in qaramada Midoobay ay sanado badan soo waday taageerada Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed hadana ay ka go’antahay sii hormarinta dadaaladda nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka ay kala shaqaynayaan arimaha doorashooyinka sida dhaqaalaha, amaanka, in codbixinta noqoto mid daah furan oo ka maran musuq iyo nin jeclaysa iyo xaqiijinta qoonda haween ee siyaasadda si loo gaaro ayuu yiri hormar iyo xalwaara.

Mar amaanka wax laga waydiiyay waxa uu sheegay in qaramada Midoobay ay ka taageerayso dowaladda Faderaalka Soomaaliya in ay qaadato masuuliyada amaanka iyada oo kaa shanaysa ciidamada wadamada Soomaaliya saaxiibka la ah sida kuwa howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya gaar ahaan xillaga doorashooyinka.

Qaramada Midoobay oo ah urur dawladeed oo ujeedadiisu tahay in ay ilaaliso nabadda iyo amniga caalamiga ah, horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee umadaha dhexdooda iyo gaarista iskaashiga caalamiga ah ayuu sheegay in masuuliyad ka saarantahay  ka hortagaya isku dhaca Calanka, talaalka carruurta, ilaalinaya soogalootiga, quudiya dadka gaajaysan, ka hadlaya dhibaatada cimilada, awood siinta haweenka, ka jawaabida Coronavirus iyo qodobo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More