India oo soo bandhigtay qorshe ay ku qaadeyso Muwaadiniin

marendra Modi Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha dibadda Hindiya ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in Dowladdiisu ay wado dadaal xooggan oo Magaalada Muqdisho ay uga qaadeyso 33 Muwaadin oo u dhalatay dalkaas oo ku xayiran Caasimadda Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Wasiir arrimo dibadeedka India ku faah-faahiyay xiriirada kala duwan ee lagu qaadanayo muwaadiniintaan u dhalatay dalkiisa balse ku xayirmay Magaalada Muqdisho.

Subrahmanyam Jaishankar Wasiirka Arrimaha dibadda India ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in dadaalada xooggooda ay ka kala socdaan Magaalooyinka Muqdisho oo Soomaaliya ah iyo Nairobi oo Kenya ah.

Waxa uu sheegay in 25-kamid ah shaqaalahaan la qaadanayo ay kasoo jeedaan Gobolka Uttar Pradesh ee dhaca Waqooyiga Dalkaas, balse ma uusan sheegin 8-ruux ee kale halka ay dhalashadoodu si gaar ah uga tahay Hindiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda India ayaa sheegay in soddon & saddexda ruux ee shaqaalaha ah ay xayiran yihiin 10-bilood, iyaga oo u shaqeeya shirkado gaar ah, inkasta oo uu xusay in aan mushaarkooda la siin bilooyinkii ugu dambeeyay.

MEA & our High Commission in Nairobi are working on the relief & return of 33 Indians stuck in Mogadishu,Somalia. The HC @IndiainKenya has taken up their predicament with the Somalian authorities.We are also in touch with the Somali Embassy in India. Hope for an early resolution.

— Dr. S. Jaishankar (@DrSJaishankar) October 23, 2020

Jaishankar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Dowladdiisu xiriir la sameysay safaaradda Soomaaliya ee Dalka India si ay qayb uga qaadato xaq helista muwaadiniintaan & fududeynta qorshaha looga soo qaadayo Muqdisho.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in howshaan amba-bixinta ah lagu guuleysto, isla markaana qoysaska ay kasoo jeedaan 33-da shaqaalaha ah ay dib ula midoobaan, maadaama aysan ka heyn lacagta ay ku shaqeeyaan, sidoo kalena ay ka xayiran yihiin.

Dowladaha Caalamka ayaa muwaadiniintooda ku xayirmay waddamada kala duwan u sameeyay qorshe ay ku qaadanayaan, maadaama xannibaadka isu socodka xorta ah uu joogsaday sabab la xiriirta kahortagga faafitaanka Xannuunka Covid-19.

Isha: Deccan Herald   /  Axadle.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More