By: Yusuf Said HersiMonday July 27, 2026
Dhaxalka siyaasadeed ee hoggaamiye waxaa lagu cabbiraa raadadka uu kaga tago bulshada iyo hay’adaha dowladnimada. Taariikhdu waxay xustaa go’aannadiisa, sida uu awoodda u adeegsaday iyo saamaynta tallaabooyinkiisu ku yeesheen jiritaanka qaranka. Marka laga eego miisaankaas, muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu dhaliyey dood siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan habka ay dowladdiisu ula macaamishay hay’adaha qaranka, dowlad-goboleedyadda iyo mabaadi’ida federaalka.
Aragtidayda, siyaasadda casriga ah ee Soomaaliya waxaa muddadan ka dhacay arrimo aan hore loo arag. Waxaa ugu muranka badnaa furista qabuurihii dadka dhintay iyo qaabkii loola dhaqmay eheladooda. Tallaabadaasi waxay bulshada dhexdeeda ka abuurtay su’aalo culus oo ku saabsan karaamada dadka dhintay, waajibaadka dowladda iyo xuquuqda muwaadiniinta. Xitaa haddii dowladdu ay haysatay saldhig sharci oo ay ku fulisay arrintaas, habkii loo maareeyey wuxuu dhaawac u geystay kalsoonidii bulshada.
Arrin kale oo dood weyn dhalisay waxay ahayd heshiisyadii caalamiga ahaa ee la horgeeyey Baarlamaanka Federaalka. Mucaaradka iyo qayb ka mid ah xildhibaannada ayaa sheegay in Golaha Shacabka aan la siin waqti ku filan oo uu ku akhriyo, ku falanqeeyo, ugana doodo heshiisyada ka hor codbixinta. Marka hay’adda sharcidejinta laga wiiqo doorkeeda dastuuriga ah ee kormeerka iyo ansixinta heshiisyada, waxaa dhaawacmaya mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan dowladnimada dimuqraaddiga ah.
Dhanka kale, xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada wuxuu galay xaalad sii cakirmaysa. Dowladda ayaa qaaday tallaabooyin ciidan iyo kuwo siyaasadeed oo ka dhan ahaa maamulka Jubaland, gaar ahaan degaanka Raas Kambooni. Aragtidayda, wixii halkaas ka dhacay waxay dhaawaceen muuqaalka midnimada ciidanka qaranka, isla markaana sii ballaariyeen kala fogaanshaha siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Khilaafku kuma koobnaan Jubbaland. Wuxuu gaaray Koonfur Galbeed, halka manta ay soo xoogaysanayso xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland State. Haddii murannadaas lagu wajaho awood ciidan iyo cadaadis siyaasadeed, halkii laga dooran lahaa wada-hadal iyo tanaasul, waxaa sii adkaanaysa in la ilaaliyo heshiiskii saldhigga u ahaa nidaamka federaalka Soomaaliya.
Taariikhda Soomaaliya waxaa ku jira casharro aan la iska indho tiri karin. Marxuum General Maxamed Faarax Caydiid wuxuu muddo gacanta ku hayey qaybo badan oo koonfurta Soomaaliya ah, balse awoodda ciidan uma suurtagelin inuu dhiso xasillooni siyaasadeed oo waarta. Sidoo kale, dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, inkastoo ay maamulaysay inta badan dalka, waxay ugu dambayn wajahday diidmo xooggan oo sababtay inuu lumiyo taageeradii siyaasadeed iyo tii bulsho.
Labadaas dhacdo waxay xoojinayaan xaqiiqda ah in awoodda oo keliya aysan dammaanad qaadi karin xasillooni siyaasadeed ama dowladnimo waarta. Xooggu mararka qaarkood wuxuu keenaa guulo ku meel gaar ah, hase yeeshee haddii aysan barbar socon heshiis siyaasadeed, sharciyad iyo kalsooni bulsho, caqabado waaweyn ayaa ka dhalan kara.
Aragtidayda, haddii xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ama Baarlamaanka ay aaminsan yihiin in jihada siyaasadeed ee dowladda waqtigeedu dhacay ay halis ku tahay midnimada ama xasillonida dalka, waxaa u furan dhowr waddo oo dastuuriga ah. Waxay is casili karaan iyagoo si cad u qeexaya sababaha go’aankooda, taas oo muujinaysa mowqifkooda siyaasadeed. Qaar kalena waxay dooran karaan inay hay’adaha gudahooda ka shaqeeyaan, si ay u horseedaan isbeddel ama wadatashi ballaaran. Labaduba waa hannaan sharci iyo dimuqraadi ah oo lagu difaaci karo mabda’ siyaasadeed.
Soomaaliya manta waxay u baahan tahay wax ka weyn loollan siyaasadeed. Waxay u baahan tahay hoggaan u diyaarsan tanaasul, mucaarad wax dhisa, hay’ado dastuuriga ah oo si dhab ah u shaqeeya iyo bulsho ku kalsoon in khilaafaadka lagu dhammeeyo wada-hadal, halkii la isku dayi lahaa is-muquunin.
Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xirnaan doonaa sida madaxda iyo hay’adaha dowladdu khilaafka ugu beddeli karaan is-afgarad, iyagoo dhowraya dastuurka iyo nidaamka federaalka ah. Haddii la doonayo dowlad sii jirta iyo nabad waarta, go’aannada siyaasadeed waa in lagu saleeyaa wada-tashi, isla xisaabtan iyo danta guud ee qaranka.
_______________________________
Yusuf Said Hersi[email protected]







