Askari loo lagu helay kufsiga gabar 4 jir oo xukun dil ah
Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi oo lagu helay kufsiga gabar 4 jir.
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday Dable Maxamed Xuseen Cilmi oo loo haysto kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan.
Kufsigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir sida ay fadhiga maxkamada ka horsheegeen Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida
Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.
Intii ay socotay Maxkamadeynta Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray gabadha yar.
Dable Maxamed Xuseen ayaa qirtay kiiskaan waxaana Qareenada u dooday eedeysanaha ay ku andacoodeen in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha markamadu fursad kale la siiyo.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda maanta oo khamiis ah.
Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan sida uu sheegay gudoomiyaha maxkamada Darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute.