Soomaaliya oo Golaha Ammaanka u gudbisay dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya

 
Talaado,  Juun, 25, 2024 (AX) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka Soomaaliya taasoo keentay inay iska hor imaad la galaan ciidamada ammaanka ee deegaanka.
“Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay inay ixtiraamto mabaadi’da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo deris wanaagga,” ayuu Abuukar Cismaan u sheegay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.
Safiirka Soomaaliya ee UN-ka ayaa sheegay inay Itoobiya ka filayaan inay ixtiraamto deris wanaagga labada dal.
Abuukar Baalle wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasban tahay inay dib u dhigto bisha Luulyo ilaa Sebtembar ka bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.
Ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira Al Shabaab.
Joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo guud ahaan ATMIS ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo 31-ka December kadib 17 sano oo uu dalka ka howlgalayeen.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More