Hogaamiyaha Soomaaliya oo ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Ciida Carafo

 

Axad, Juun, 16, 2024 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciida Carafo oo maanta Muslimiinta Caalamka si weyn ugu dabaal dagayaan farxada Ciida.
Hogaamiye Xasan Sheekh ayaa faray guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay iney garab istagaan walaalahooda kale ee danyarta ah ee aan awoodin iney ka qeyb qaataan munaasabadda maalintaan farxada badan ee Ciidul Adxaa.
Wuxu sidoo kale fariintiisa hambalyada ah ku sheegay madaxweynaha in dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka in looga bixi karo isku duubni iyo in laga fogaado wax walba oo horseedi kara dhibaato.
Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hambalyo gaar ah u diray dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo uu sheegay in naftooda u hurayaan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa fariintiisa fursad muhiim ah ku siiyay xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab, isagoona sheegay iney u furan yihiin albaabada si ay isugu soo dhiibaan gacanta dowladda Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More