Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in dowlada Soomaaliya anay lahayn dekedo ay heshiis kula gasho Itoobiya

 
Talaado,  Juun, 25, 2024 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in dalabka uu Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigay Itoobiya aanu ahayn fikir ahaan wax suurtogeli kara oo maangal ah.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Gobaladda Waqooyi Maxamed Kaahin Axmed ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya anay lahayn deked u dhow Itoobiya oo ay heshiis kula gali karto Itoobiya.
“Xasan Sheekh Maxamuud wali ma fahmin, isfahanka Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi kaliya kuma saabsana dekedo, lakiin halka ay dekedu ku taalo, iyo gaadhitaankeeda ayuu ku saabsanyahay, xataa hadii Itoobiya ay aqbasho dalabkiisa dekeda kali ah ee uu maamula waa dekeda Muqdisho oo 1600KM u jirta Itoobiya” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.
Waxa uu sheegay in marka laga yimaado masaafada ay xaalada sii xumaynayso Al Shabaab oo uu sheegay in ay maamusho badanka dhulka u dhexeeya Muqdisho iyo Itoobiya, iyo in anay jirin wadooyin ku haboon ganacsiga sida darteedna aanu dalabka Hogaamiye Maxamuud ahayn mid suurogal ah.
Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii sheegay in dowladiisu anay kasoo horjeedin in Itoobiya ay soo gaadho badaha Soomaalida, lakiin uu kasoo horjeedo wadada ay u martay.
Sida Gobaladda Waqooyi sheegtay heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa hada gabogabo ku dhaw iyada oo Gobaladda Waqooyi ay shirkad sharci oo Ingiriis ah u xilsaartay dhamaystirkiisa.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More