Israaiil oo xirtay wiil yar oo dalkeeda u dhashay oo doonayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya

 
Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) – Booliiska dalka Israaiil ayaa xiray wiil yar oo aan qaan-gaarin oo kasoo jeeda dalkaas, kaasoo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya, si uu weeraro uga geysto Israa’iil iyo dibadda.
Warbixin uu booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay, in wiilkan yar uu damacsanaa inuu weeraro argagaxiso ka geysto gudaha dalka Israel iyo dalalka kale ee dibadda, isagoo ku biiraya safka ururka Daacish ee Soomaaliya.
Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adaha amniga ee dalkaas, ayaa lagu ogaaday in eedeysanaha uu qorsheynayay inuu u ambabaxo Soomaaliya, kuna biiro kooxda Daacish. Kahor inta aan la xirin.
Booliisku waxay sheegeen inuu wiilkaan yar uu qaaday dhowr tillaabo si uu u fuliyo qorshayaashiisa, kuwaas oo ay ku jiraan qorista dardaaran, aruurin dhaqaale, qaadashada baasaboor ajnabi ah, iyo inuu xiriir la sameeyo  Daacish isagoo adeegsanaya internetka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More