Shir u dhaxeeya Soomaaliya iyo ururka Bulshada Bariga Afrika oo ka socda Nairobi

 
Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) – Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay shir lagu horumarinayo is dhexgalka Soomaaliya iyo  bulshada ururka EAC.
Xoghayaha guud ee EAC Veronica Muini Ndui Nduiva, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay EAC bishii Maarso, ka dib markii ay si rasmi ah usoo gudbisay heshiiskeeda ku biirista ururka.
Galitaanka Soomaaliya ee EAC ayaa la sheegay inuu u sahlayo Soomaaliya inuu ka faa’iideysto mashaariicda kaabayaasha gobolka ee EAC, sida wadooyinka tareenada iyo tamarta.
Nduva waxay sheegtay in Roadmap-ka ay ku dari doonto howlo ay si wada jir ah u fuliyaan Soomaaliya iyo EAC.
Ergayga Gaarka ah ee Soomaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika, Abdusalaam Cumar Hadliye,  ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dadaalada iskaashiga ah ee qaabaynta Qorsheynta Soomaaliya ee ku saabsan is dhexgalka bulshada Bariga Afrika.
“Soomaaliya waxay sii adkeynaysaa sida ay uga go’an tahay in la ogaado himilooyinka bulshada Bariga Afrika, oo kobcinaysa midnimada, barwaaqo iyo nabadda gobolka oo dhan,” ayuu yidhi,” Abdusalaam  Hadliye.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More