Miyuu Luke Shaw Ka Fiican Yahay Da’yarka Bayern Ee Alphonso Davies?
Daafaca bidix ee kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa qirtay in dhigiisa Manchester United ee Luke Shaw uu yahay mid isaga ka wanaagsan.Shaw ayaa dib usoo nooleeyay waayihiisa ciyaareed isaga oo 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qaab ciyaareed heer sarre ah kusoo raaxaystay heer kooxeed iyo mid qaranba.Davies ayaa ahaa mid isaguna horumar weyn soo sameeyay tan iyo markii uu horyaalka Maraykanka ka tagay una dhaqaaqay dhinaca Allianz Stadium balse 20 sano jirkaas Canadian-ka ah ayaa aqbalay inuu ka dambeeyo haatan…