Mid Kamida Xiddigaha Waaweyn Ee Real Madrid Oo Laga Helay
Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in xanuunka Korona Fayras ee saf-marka ah laga helay hoggaamiyaha weerarka kooxdeeda ee Karim Benzema.
Qorshaha ayaa ahaa in weeraryahanka French-ka ahi ku biiro safka kale ee kooxda maanta oo Jimce ah sidoo kalena la kulmo tababarihiisa cusub ee Carlo Ancelotti oo ay markii labaad wada shaqaynayaan.
Benzema ayaa ahaa mid fasax galay kaddib markii xulkiisa France laga cidhib tiray Euro 2020 oo ay wareegii 16-ka kaga hadheen sababta xulka Switzerland.
Karim ayaa ahaa…