Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Hiiraan iyo arrimo
Beledweyne (Caasmada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo ku sugan magaadaas uu galabta kulan gaar ah la qaatay Ugaaska beesha Xawaade, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
Wasiir Mukhtaar ayaa Ugaaska kala hadlay xal u helidda xiisadda ka laloosan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne, si looga baaqsado isku dhacyo…