Roberto Carlos Oo Xiddigii Ugu Wanaagsanaa Euro 2020 U Magacaabay
Halyeygii Brazil ee Roberto Carlos ayaa magacaabay xiddigii ugu wanaagsanaa tartankii qaramada Yurub ee Euro 2020 ee uu Talyaanigu ku guuleystay, in uu ahaa difaaca bidix ee Ingiriiska ee Luke Shaw.Roberto Carlos ayaa la socday tartanka Euro 2020 iyo in magaciisa loogu yeedhi jiray Luke Shaw oo lagu naanaysay ‘Shawberto Carlos’ iyadoo la barbar-dhigayay bandhig ciyaareedkii fiicnaa ee uu sameeyey.Difaaca bidix ee Manchester United ayuu Roberto Carlos hore amaan ugu jeediyey, hase yeeshee waxa uu diiday in isbarbar-dhig lagu…