Karim Benzema Oo Ka Sheekeeyey Hadalladii Ay Isweydaarsadeen Cristiano
Karim Benzema ayaa daboolka ka qaaday wixii uu ku yidhi Cristiano Ronaldo iyagoo garoonka dhex-taagan xilli ay labadooduba min laba gool u dhaliyeen France iyo Portugal kulankii ugu dambeeyey Group-kooda ee Euro 2020.Ronaldo iyo Benzema oo sagaal sannadood usoo wada ciyaaray Real Madrid ayaa ku midoobay kulankii France iyo Portugal, waxaanay u ahayd habeen farxadeed oo mid walba uu dalkiisa laba gool u dhaliyey, ayna usoo wada gudbeen wareegga 16ka Euro.Labadan ciyaartoy ayaa la arkayay iyagoo garoonka dhexdiisa qosol ku…