“Kubadda Cagtu Way Sii Dhimanaysaa, Da’yartii Ma Jecla,
Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez ayaa bixiyey waraysi uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan Zinedine Zidane, Sergio Ramos, European Super League iyo sida shaqsi ahaan ay tahay in loo arko.Real Madrid ayaa isbeddello badan ku dhacayaan xilli ciyaareedkan, waxaanu u kowsanayaa iyadoo uu shaqada ka maqan yahay Zidane oo iscasilay laguna beddelay Carlo Ancelotti iyo Sergio Ramos oo aan kooxda joogin, si xor ahna loo fasaxay.Perez ayaa ugu horreyn wax laga weydiiyey xaaladdii uu ku baxay Zinedine Zidane,…