Miyuu Frank Lampard Cuqad U Qaaday Xiddigii Ay Hadallada
Chelsea ayaa suuqa iibka ciyaartoyda xubin firfircoon kasii ahaan doonta illaa daqiiqadda ugu dambaysa ee uu xidhmayo maalinta Isniinta, waxaana la filayaa in kaliya uu furnaado albaabka ay ciyaartoydu ka baxayaan balse uu xidhnaan doono midka laga soo gelayo oo xilli hore ay soo dhamaysteen ciyaartoydii ay u baahnaayeen.Tababare Frank Lampard oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta ay Crystal Palace ku martigelin doonaan duhurka berri oo Sabti ah ayaa waxa uu sheegay in hubanti la’aan safkiisa ah ay jirto oo ay suurtogal…